"Al-Shabaab" oo mar kale weerar culus ka fulisay dalka Mozambique

Image

NAIROBI, Kenya – Muddo saddex maalmood gudaheeda ah, dagaalameyaal la magac-baxay Al-Shabaab oo mar kale weeraray waqoyga dalka Mozambique ayaa burburiyey saldhig boolis kahor inta aysan qabsan.

Wakaaladda wararka u faafisa Faransiiska ee AFP ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in sidoo kale maleeyshiyaadka ay hakiyeen isu socodka magaalada.

Sarkaal ka tirsan bileyska oo dhacdada xaqiijiyey ayaa shaaca ka qaadey in weerarka lagu qaadey magaalada Quissanga ay fuliyeen dabley tirro badan.

"Muddo 20-daqiiqadood ah ayay ku hareeyeen booliska, kadibna waxay qabsadeen saldhigyadda oo ay burburiyeen," ayuu raaciyey, isagoo codsadey in aan la shaacin magaciisa.

Isniintii ayay ahayd markii xoogaga ay la wareegeen magaalada ku taala gobolka hodanka ku ah shidaalka ee Mocimboa da Praia kahor inta aysan weerarin saldhig milatari oo calankooda ay ka taagin.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya dagaalameyaal tirro ahaan gaaraya sideed kuwaasoo afka u duuban yahay isla markaana ku hubeysan qoryo AK47 ah iyo bambaanooyinka gacanta.

Dadka degaanka ayaa bilaabay in ay ka baracaan magaalooyinka gobolka, iyaddoo koox sheegatay in ay xiriir la leedahay ISIL ay tilmaamtay in ay ka dambeysay duulaankaas, aysan ka hadlin dowlada.

Sidda ay warisay saxaafada, shacabka ayaase u yaqaana Al-Shabaab, wallow aysan kala caddeyn hadii ay xiriir la leedahay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, dal ku yaala Geeska Afrika.

Tan iyo bishii October sanadkii 2017-kii, gobolka Cabo Delgado waxaa ragaadiyey weeraro culus oo ay fulinayaan jihaad-aloosyaal. Sidda ay sheegeen dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, waxaa lagu khaarijiyey 700 oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM