"Al-Shabaab" oo qabsatay magaalo muhiim ah oo ku taala Mozambique

Image

MAPUTO, Mozambique — Koox la magacbaxdey "Al-Shabaab" ayaa lagu waramay in ay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taala woqoyga Mozambique, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka amniga ah.

Magaalada ay la wareegeen waxay ku dhow-dahay goob ay shirkad Faransiis ah ka fulineyso mashruuc shidaal baaris ah oo ay ku baxeyso aduun lacageed dhan 60 bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Jihaad-aloosyaasha ayaa xalay saqdii dhexe ku duulay magaalada Mocimboa de Praia, lana wareegay saldhig ciidan isla markaana suray calankooda, sidda sheegay booliska.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo warbaahinta loo diray, ciidamadda Milatariga iyo Bileyska ayaa qaadey duulaan-rogaal celis ah.

Tani ayaa ah markii ugu horeysay oo maleeyshiyaadka ay weerareen magaalo weyn. Kolkii hore waxay beegsan jireen beeraha iyo tuulooyinka. Balse haatan waxay u muuqdaan kuwa is-balaarin wadda.

Dagaalameyaasha ayaa isku-yaqaana Al-Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir toos ah lala leeyihiin xoogaga ka howlgala Soomaaliya iyo Kenya.

Shacabka ayaa intaas ku daray dagaalameyaasha ay xireen waddooyinka isla markaana dadka ay ku daad-gureeyeen Masaajida.

Gobolka Cabo Delgado oo ay ku taalo magaalada ay haatan qabsadeen maleeyshiyaadka ayaa hodan ku ah shidaalka. Weeraro ka dhaca saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa sababay geeri iyo barakac.

Dowladda ayaa ku adkeysatay in ay ku dedaaleyso siddii ay uga hortagi lahayd qulqulatooyinka, balse siyaasiyiinta mucaaradka waxay ku eedeeyeen in aysan lahayn qorshe cad oo ay wax kaga qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM