Al-Shabaab oo qaraxyo ku weerartay saldhig ku yaala gudaha Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan hal sarkaal boolis ayaa dhintay, laba kelana way ku dhaawacmeen markii dabley lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ay weerareen saldhig boolis oo ku yaala waqooyi bari dalka Kenya.

Saldhiga Yumbis oo ay ka howlgalaan cutubyada ammaanka Kenya ee ilaaliya xuduudka ayaa ku yaala ismaamul goboleedka Garissa.

Warbaahinta maxaliga ah oo warisay in weerarka uu ku bilowday qaraxyo culus ayna xireen is-rasaaseyn xoogan oo daqiiqado socotay ayaa shaaca ak qaadey in dagaalameyaasha ay gudaha ugu galeen saldhiga.

Nick Ndalama, isu duwaha gobolka waqooyi barri oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa tilmaamay in saraakiisha dhaawaca ah la dhigay isbitaal ku yaala gobolka, wallow uu ka gaabsaday in uu fahfaahin dheeriya bixiyo.

Wargeyska Daily Nation ayaa wariyey in weerarka kadib ay diyaarado gurmad ah ka yimaadeen dhanka saldhiga milatari ee Modika.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalameyaasha ay gubeen guryo dhowr ah intii weerarku socday isla markaana ay ku eedeeyeen shacabka in ay macluumaadkooda la wadaagaan laamaha amniga.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, ciidamo gurmad dhulka ah u soo ahaa saldhiga la weeraray ayaa ka badbaaday qarax miino.

Weerarkaan kahor, ciidanka la dagaalanka argagixisada ayaa buurso ay ku jiraan rasaas kasoo saareen inta u dhaxeysa Fafi iyo Garissa. Saraakiisha waxay sheegeen in ay baaritaan ku bilaabeen cidda iska leh.

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii, Al-Shabaab ayaa weerartay isla saldhiga Yumbis. Balse, dagaalameyaashii duulaankaas qaaday waxaa laga toogtay saddex kamdi ah markii ciidamada ay iska caabiyeen.

Bishii Maaj ee isla sanadkan 2020, qarax gaari nooca gurmadka deg-deg ah qaada ku haleeshay gudaha Garissa ayaa sababtay dhimashadda laba qof iyo dhaawac ruux kale oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM