Al-Shabaab oo qorsheynaysa weerar ka dhan ah Kenya [Xog Sirdoon]
NAIROBI, Kenya - Sirdoonka Kenya ayaa helay macluumaad sir ah, oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ay qorsheynayso weerar argagaxiso oo ka dhan ah dalkaasi.
Ciidamada amaanka dowladda Kenya ee ku sugan xuduuda kala qeybisa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la geliyay heegan iyo feejignaan kadib markii xogtaan ay soo baxday, si ay uga hortagaan weerar kasta.
Hay'adaha amaanka, gaar ahaan Booliska Kenya ayaa lagu wargeliyay in Al-Shabaab ay weerar culus ku maleegayso degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo Askar badan oo Kenyan ah lagu dilay 2016.
Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino ayaa shalay shaaciyay in ay ogaadeen heybta raggii todobaadkii lasoo dhaafay saddexda Macalin ku dilay Tuulada Arabiya, oo katirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waooyi bari.
Waxaa kamid ah Xasan Hodey oo u dhashay asal ahaan Soomaali, balse ku nool degaanka Damasa, oo Kenya ku taalla, iyadoo kuwa kale aan wali la helin magacyadooda, balse lagu raad-joogo, sida uu sheegay Charles Owino.
"Hay'adaha amaanka waxay sidoo kale heegan ugu jiraan weerar suurta-gal ah inay Al Shabaab ku bartilmaameedsadaan saldhigyada ciidanka iyo meelaha kale ee u nugul in la weeraro ee ku yaalla inta u dhaxeysa Mandheera iyo Ceel-Waaq," ayuu hadalkiisa raaciyay Charles Owino.
Waxa uu intaasi raaciyay in labadii todobaad ee lasooo dhaafay ay xoogaga Al shabaab soo buux-dhaafiyeen xuduuda Kenya, gaar ahaan degaanada Hola, Dura, Jidahaley, Juma iyo Ilkabera.
Dhaq-dhaqaaqa mintidiinta Al Shabaab ee ku wajahan xuduuda Kenya ayaa loo sababeeya guul-darooyin kasoo aagaarey Kooxda howlgallada military ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ka wadaan Soomaaliya.
Charles Owino ayaa ugu baaqay shacabka Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool goobaha xadka ku yaalla inay feejignaadaan, islamarkaana ay ku wargeliyaan ciidamada amaanka shaqsi kasta oo ay ka shakiyaan.
11-kii Bishan October, howlgal laga fuliyay Ceel-Cadde ayaa lagu dilay 20 kamid ah Al Shabaab, kaasoo ay fuliyeen ciidamada dalka Kenya, oo adeegsadey diyaarado dagaal inay ku weerareen saldhigan.
Xogaha kale ayaa sheegaya in weerarkan kadib uu hogaamiye katirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Fillow uu isagu yeeray 13-kii bishan dagaalyahanada kooxda oo gaaraya 400 kuwaasoo uu ku waregliyay inay u diayaar-garoobaan weerar aar-goosi ah oo lagu qaado Kenya.
Ciidamada difaaca Kenya ayaa soo galay Soomaaliya October 2011, iyadoo duulaankooda uu yimid kadib markii Al Shabaab ay labo shaqaale gargaar oo u dhashay Spain ay kasoo afduubeen xerada qaxootiga Dhadhaab.
Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay ka geystaan gobollada Jubbooyinka iyo Kenya duqeymo aan loo meel-dayin oo shacab badan ay ku dhinteen, iyo inay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha sharci darrada.
GAROWE ONLINE