Al-Shabaab oo weerar ka fulisay markii ugu horeysay dal ka baxsan Bariga Africa

Image

Tobban qof Rayid ah ayaa waxaa tuuladda Palma oo ku taalla dalka Mozambique, ku gowracay Rag hubeysan oo ay dadka deegaanka ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Booliska ee dalka Mozambique, Inacio Dina, ayaa sheegay in dhamaan dadka la dilay ay ahaayeen kuwa Shacab ah, islamarkaana uu weerarkaan dhacay maalintii Talaalada shalay ahayd.

Laakiin, wuxuu diiday inuu cid gaar ah ku eedeeyo weerarkaan, kaasoo dadka deegaanka ku tilmaameen inuu ahaa mid "argigixiso" islamarkaana ay ka muujiyeen baqdin xoog leh.

Wuxuu intaas ku daray afhayeenka inay billaabeen howlgalo lagu u gaarsanayo kuwa falkaan ka dambeeyay, isagoo tibaaxay in ku dhawaad 200 oo qof oo lala xiriirinayo falkaan ay soo xireen ciidamada amaanka.

Labo kamid ah dadka la dilay ayaa waxay ahaayeen Wiilal, kuwaasoo ay da'doodu u dhaxeyso 15 illaa iyo 16-sano. Sidoo kale, dadka la gowracay waxay u badnaayeen Rag da' ah, sida ay Boolisku sheegeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay Tuulada Palma oo ku taala xadka Mozambique iyo Tanzania, laakiin Tanzania ayaa mar sii horeysay sheegtay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaa baadiyaha dalkeeda.

Weerarkaan ayaa hadii la xaqiijiyo inay geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay ka geysteen dal ka baxan Bariga Africa, waxayna sare u qaadeysaa cabsida awooda Kooxdan ee qaarada Afrika.

Dhawaan ayey ahayd markii Baarlamaanka dalka Mozambique uu meel-mariyay Hindisa-Sharciyeedka la dagaalanka argigixisada, kaasoo dhigayey in qofkii lagu qabto Falal argigixiso uu muteysan doono 24-sano oo Xarig ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM