Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarka Al-Shabaab ee Kenya

Image

GARISSA, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay oo Talaado ah weerar kale ka fulisay gudaha wadanka Kenya, kaasi oo ka dhacay bariga magaaladda Garissa, ee xarunta gobolka waqooyi bari oo Soomaalida degto.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay beegsatay bar koontarool oo booliska Kenya ku leeyihiin xaafadda Saretho oo ku dhaw xerada qaxootiga ee Dhadhaab, katirsan Garissa.

Waxaa goobta ka dhacay iska hor'imaad daqiiqado socday, kaasoo ay ku dhinteen 4 shacab ah.

Kibet Bowen, oo ah taliye ku xigeenka booliska Garissa ayaa sheegay in ciidamada ay toogasho ku dileen labo kamida kuwii weerarka kusoo qaadey, waxaana dhanka kale uu xaqiijiyay in shacabka ay ku dhinteen rasaasta wiiftada ah.

Wararka ayaa sheegay in la la'yahay 4 askari oo boolis ah weerarka kadib, waxaana socda howlgallo ciidamada Kenya ay wadaan oo lagu baadi-goobaya askarta maqan, oo loo maleynayo inay Al-Shabaab dhanka Soomaaliya ula soo gudubtay.

Tan iyo bishii December 2029, Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada Kenya, iyadoo Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida horey ugu hanjabtay inay sii wadayso howlgalkeeda inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, oo ay soo galeen 2011.

Sabtidii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa fulisay weerar culus oo ay ku qaadey saldhig ay si wadajir ah u degan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla degaanka Manda Bay, oo katirsan gobolka xeebta ee Lamu.

Weerarka waxaa lagu dilay 1 askari oo Amerikaan ah iyo labo qandaraasle oo waaxfa difaaca Mareykanka u shaqeynayay, sida uu xaqiijiyay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM