Al-Shabaab oo weerar saf-balaaran leh ka fulisay waqooyi-bari Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa weerar ka geystay saaka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ka dhacay degaanka Kamuthe oo ka tirsan ismaamul goboleedka Garissa.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in dableyda ay beegsadeen saldhig boolis iyo anteenada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la beegsaday "macalimiinta aan u dhalan degaanka" ee ka akdhowaa halkaas.

Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay falkaas oo dhacay aroornimadii Isniinta maanta ah, 13-ka Janaayo, 2020.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyey dhacdadaan, wuxuuna sheegey in ay ciidamo u direen meesha ay wax ka dhaceen oo la sugay amnigeeda.

"Khasaaraha waxaan soo sheegaynaa kadib marka aan tirakoob sameyno," ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo boolis ah.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa dhowr weerar ka fulisay Kenya, waxaana ay beegsatay gaari bas, saldhig iyo goob waxbarasho.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM