Al-Shabaabkii weeraray xerada Manda Bay oo la aqoonsaday
NAIROBI, Kenya – Wallow tafaasiil intaan kadib ay soo bixi karaan, haddana waxaa si horudhac ah loosoo bandhigay xog ku saabsan xubnihii Al-Shabaab ee fuliyey weerarkii saldhiga Mareykanka ee waddanka Kenya.
Duulaankii xerada Manda Bay oo ku taala gobolka Lamu isla markaana dhacay 5-tii Janaayo, 2020 ayaa lagu dilay saddex Ameerikaan ah – Hal askari iyo laba qandaraaslayaal ah, iyaddoo lagu gubay diyaarado.
Su'aallo badan ayaa ka dhashay qaabka xubnaha Al-Shabaab ugu duseen saldhiga oo ammaankiisa aad loo adkeeyo isla markaana agabka lagu sugo nabad-gelyadiisa uu yahay mid kamida kuwa ugu casrisan.
Sidda uu wariyey wargeyska Daily Nation oo tiradooda aan soo bandhigin, xubnahaas waxay ku hubeysnaayeen hub duug ah, waxaana ay kamid ahaayeen Jeysh Ayman, garabka Al-Shabaab ee Kenya.
Macluumaadkan oo ku saleysan wareisyo lala yeeshay saraakiil iyo dukumiintiyo jeebabka dagaalameyaasha la dilay laga helay ayaa xusaya in ay badankooda kasoo jeedaan tuulada caanka ah ee Bongwe.
Bongwe oo hoostagta magaalada Msambweni ee ismaamulka Kwale waxay caan ku tahay dambiyadda iyo howlgalada ciidamada oo si joogto ah ugu ugaarsada xubnaha ka tirsan falaagadda Jeysh Ayman.
Jaraa'idka ayaa Kwale ku tilmaamay barta ay ku koreen inta badan horjoogeyaasha Al-Shabaab ee kamid ah Jaysh Ayman, kuwaas oo qaarkood la dilay, halka kuwa kale ay baxsad yihiin.
Maxaan ka og-nahay Jeysh Ayman?
Inkasta oo ay tahay su'aalo aan wali jawaab rasmi ah loo helin xilliga la aas-aasay, haddana waxa kaliya ee la og-yahay waa in Jaysh Ayman ay tahay garabka ururka Al-Shabaab ee ka howlgala waddanka Kenya.
Dhaqdhaqaaqyadan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Kenya ayaa bilowday markii ciidamada dalkaas ku biireen AMISOM – Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya.
Ramadhan Kufungwa oo Soomaaliya u socdaalay 2011-kii ayaa la xaqiijiyey in uu yahay hogaamiyaha maleyshiyaddan halista badan.
Dagaalameyaashan oo tobbankii sano ee lasoo dhaafay fuliyey weeraro ayaanan loo ogeyn tirada guud oo ay galaafteen, hase ahaatee, waxaa la qiyaasayaa in ay ka badan yihiin shan boqol oo ruux.
Weerar ay 2019-kii ku qaadeen saldhiga magaala xuduudeedka Kiunga waa midkii ugu geerida badnaa, xili dileen 20 askari; kadib falkaas waxaa aaga laga xanibay rayidka iyo askarta aan ogolaanshiyaha haysan.
Xerada Manda Bay waa mid kamid ah saldhigyadda ugu muhiimsan howlgalada la dagaalanka argagixisada Mareykanka ee Geeska Afrika, waxaana falkaas kadib lagu kordhiyey 100 ciidamo oo laga keenay Germany.
Wargeyska New York Times ayaa u wariyey in ciidanka Kenya aysan falcelin sameyn mudadii uu socday weerarkii 5-tii Janaayo, eedeyntaas oo ay si wadajir ah u beeniyeen taliska ciidamada Mareykanka iyo Kenya.
GAROWE ONLINE