Al-Sisi oo socdaal khuseeya Soomaaliya ku tegaya Jabuuti

Image

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa wuxuu kusii jeedaa Jabuuti halkaasoo dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle uu kula yeelanayo wadahadalo ku saabsan gobolka Geeska qaarada Afrika.

Sida ay sheegayaan wararka, madaxda ayaa ka arrinsanaya arrimo ay kamid tahay colaadda gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray, muranka biyo-xireenka webiga Nile iyo doorashada Soomaaliya.

Warbixino diblumaasiyadeed ayaa muujinaya in Suudaan, Masar, Jabuuti, Kenya iyo Uganda ay "isku baheysteen olole ka dhan ah Farmaajo iyaga oo taageerayo ka helaya qaar kamid ah quwadaha aduunka".

Geelle ayaa todobaadkii markii lixaad oo xiriir ah loo dhaariyey xilka madaxweynaha Jabuuti. Farmaajo wuu seegay xafladdaas, isagoo u diray ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Baaqashada Farmaajo oo dibada u soo saartey xiriirka qalafsan ee kala dhaxeeya hogaamiyeyaasha dalalka Bariga Afrika waxaa cambaareeyay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib-u-uga-dhacay jadwalkii loo balansanaa iyaddoo muddo xileedka madaxtinimo ee Farmaajo uu ku ekaa 8-da bishii Febraayo 2021, mana qabsoomin doorasho daahfuran.

Maamulka Farmaajo ayaa lumiyey xiriirka inta badan dowladaha gobolka marka laga reebo Itoobiya, oo hadda xayiraad kusoo rogay Mareykanka, iyo Eritrea, waxaana arrintaas ay ka dhalatay "fashil diblumaasi".

Baratanka gudaha iyo dibadda ayaa caadi ka ahaa gudaha Soomaaliya mar walba oo la guda galo ololaha doorashooyinka, hase ahaatee, kalkan way ka culus tahay sababo ku aadan isbedeladii dhacay sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM