Algeria oo shaacisay xiliga ay dhaceyso doorashada madaxwaynaha

Image

ALGIERS, Algeria – Dowladda Algeria ayaa qaban doonta doorashooyinka madaxtooyada 4-ta bisha Julaayo, sida uu ku dhawaaqay madaxwaynaha ku meel gaarka ah, Cabdiqaadir Bin Saalax.

Shaacintaan ayaa kusoo aadaysa kadib mudaaharaadyo culus oo sababay in uu xilka ka dago madaxwaynihii 82-sano jirka ahaa ee Cabdicasiis Bouteflika.

Dibad-baxyada ayaa sii socday illaa iyo Arbacadii iyada oo la rajeynayo in ay halkooda kasii ambaqaadaan maalmaha soo aadan.

Bin Saalax oo uu magacaabay baarlamaanka ayaa waxaa laga filaya in uu isbedal u horseedo dalka uuna ku qanciyo banaan-baxayaasha in ay joojiyaan.

Tan iyo soo xulashada Bin Saalax waxaa xiran qaar kamid ah wadooyinka magaalada caasimada ah ee Algiers, iyada oo dibad-baxayaasha ay codsanayaan in uu is-casilo hogaamiyaha ku meel gaarka ah.

Bin Saalax oo 77-sano jir ayaa balanqaaday in ay ku qaban doonan doorasho xor iyo xalaal ah muddo 90 casho ah sida uu qabo dastuurka, laakiin dad qaarkii ayaa wali u arka in ay xulafo yihiin Bouteflika.

Kacdoonka Algeria oo soo bilowday bishii Febraayo ayaa nan ahayn kuwa looga soo horjeedo Bouteflika balse dadka waxay dalbanayaan in isbedal lagu sameeyo nidaamka dowlada shaqo abuurna loo sameeyo dhalinyaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM