Algeria: Ra'iisul Wasaariyeyaal hore oo xukunno adag lagu ridday

Image

ALGIERS, Algeria – Maxkamad qaada dambiyadda oo ku taala Algeria ayaa maanta oo Talaado ah xukun ku ridday laba ra'iisul wasaare hore.

Abdelmalek Sellal ayaa waxaa lagu xukumay 12-sano oo xarig ah, halka Ahmed Ouyahia isana lagu xukumay 20-sano oo xabsi ah.

Ali Hadad, oo ahaa ganacsade xulafa dhow la ahaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Abdelaziz Bouteflika, ayaa lagu xukumay todoba sano oo xabsi ah.

Telefishinka qaranka waddankaas Carbeed ee dhaca waqoyga Afrika ayaa wuxuu baahiyey xukunadda lagu kala ridday madaxdaas.

Dhamaan mas'uuliyiinta ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal musuqmaasuq ah, sidda ku xusan gal-dacwadeedka laga gudbiyey.

Sellal ayaa laba jeer noqday ra'iisul wasaare intii uu xafiiska joogay madaxweyne Abdelaziz Bouteflika.

Xukunkooda ayaa kusoo aadaya maalmo kahor doorashadda madaxtooyadda dalkaas oo qabsoomeysa 12-ka bisha December ee sanadkan 2019.

Bouteflik oo muddo badan xukunka hayey ayaa xafiiska baneeyay bishii April kadib markii mudaaharaadyo lagu dalbanayo is-bedel ay ruxeen dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM