Amadou Gon Coulibaly: Ra'iisul wasaarihii Ivory Coast oo geeriyooday

Image

YAMOUSSOUKRO, Ivory Coast – Ra'iisul wasaarihii Ivory Coast, Amadou Gon Coulibaly, ayaa geeriyooday markii uu xanuun kusoo booqdey kadib shirka Golaha Wasiiradda ee qabsoomay Talaadadii, 8-da July, 2020.

Coulibaly oo horaantii bishii lasoo dhaafay ee May sanadkan 2020 u socdaalay Faransiiska sabab la xiriirta in uu iska soo daaweeyo xanuun dhanka wadnaha ah ayaa waddankiisa dib ugu laabtay 2-dii bishaan July.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in Coulibaly uu xanuunka kusoo boodey isagoo shir gudoominaya kulanka Golaha Wasiiradda.

Kadib xaaladaas deg-deg ah, isbitaal gaar ah oo ku yaala magaalada Abidjan ayaa loola cararay. Inkasta oo dhakhaatiirta ay sameeyeen wax walba oo karankooda ah, 61-sano jirkaan ayaa dhintay isagoo halgamaya.

Coulibaly, oo loo arkayey murashaxa xisbigiisa ee doorashadda madaxtooyadda ee dhaceysa October 1-deeda ayaa bishii Maaj loo karantiilay Coronavirus dartiisa kadib markii fayruska laga helay qof isaga ka akdhow.

Tijaabadda la xiriirta Covid-19 ayaa laga qaadey tirro laba jeer ah, sidda ay sheegeen saraakiisha, labaduba waa laga waayey.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in dalka uu galayo baroor-diiq, waxayna tacsi u dirtay ehelkiisa, iyadoo xustay in Aas Qaran loo sameynayo.

Xilli uu February 10, 1959 ku dhashay isla magaaladda uu ku dhintay Abidjan, Coulibaly ayaa xilka ra'iisul wasaaraha hayey tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana shahaadada PHD-ga uu ka haystay cilmiga dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM