AMISOM oo shaacisay caqabadaha hortaagan dagaalka Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo ayaa si faah-faahsan uga hadlay cabaqadaha ku hor-gudban howlgalka, kuwaasoo uu ku seegay inay yihiin 3 qodobo oo culus.
Howlgalka AMISOM ayaa billowday 2007-dii, iyadoo guusha ugu wayn oo ay gaareen ayaa ah inay ku guuleysteen in guud ahaan caasimada iyo qaar kamid ah gobolada dalka ka saaraan Al-Shabaab, wallow uu qiray in wali khatarta kooxda ay jirto.
Wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-Shabaab ay yihiin kuwa adeegsado Farsamooyin kala duwan iyo xeelado dagaal, kuwaasoo uu tilmaamay in Shacabka iyo ciidamada AMISOM ay la qabsadeen, islamarkaana dhimasho badan keenta.
“Howlgalka markii hore wuxuu ahaa nabad-illaalin, laakiin hada waa howlgal dagaal, waana midkii ugu dhimashada badnaa oo noociisa ah oo laga fuliyo Soomaaliya, caqabada ugu wayn waa xeeladaha kala duwan ee Shabaab adeegsato,” ayuu yiri Mulongo.
“Qarax Miino, mid Baabuur, dagaal toos ah iyo Qarax Baabuur oo isla socda, weeraro gaadmo ah iyo Madaafiic ay wehliyaan weeraro waa xeeladaha Al-Shabaab, marka ma fahmi karta nooca dagaalkoodu yahay,” ayuu Simon hadalkiisa raaciyay.
“Caqabada kale waxay weyaan dhibaato dhanka Sahayda ah, ma haysano Heli-kobtaro aan kusoo qaadano Sahayda, Baabuurka dagaalka ee dhulka, Hubka cul-culus, Diyaarado dagaal iyo Gaadiidka ciidanka xoogan.
“Waa mid aad u adag in ciidamado ku safraan dhulka, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada AMISOM, awoodihiisu waa kuwa Shacab ah, ma ahan ciidan, ma ahan mid leysku halayn karo oo aad uyar tahay wax-qabadkiisa,” ayuu qiray.
“Ugu dambeyntii, Al-Shabaab waxa ay si aad ah ugu wanaagsan helitaanka xogta sirdoonka marka loo eego AMISOM, taasoo ka caawisa xiriirka ay la leeyihiin Shacabka, ayadoo loo adeegsanayo dhaqanka iyo luqadda deegaanka iyo aqoonta dhulalka.
“Al-Shabaab sirdoonkooda waxaa loo yaqanaa Amniyaadka, ayaa si aad ah u kordhiyay adkaysiga al-Shabaab iyo sidoo kale awoodda ay u leeyihiin in ay fuliyaan iyo qorsheeyaana weeraro,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
Hadalkaan kasoo yeeray Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa imaanaya iyadoo lagu wado in AMISOM ay isaga baxdo Soomaaliya, inkastoo aysan gaarin guulo la taaban karo.
GAROWE ONLINE