Arin aad Madaxweyne uga noqon-kartid Somalia, safiirna uga noqon karin Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda u qaabilsan baarlamaanka Kenya ayaa diiday in haweeney lagu magacaabo Mwende Mwinzi ay noqoto safiirka u fadhiya dalka South Korea.

Waxay sheegeen in ay haysato laba baasaboor oo kala ah Mareykanka iyo Kenya.

Waxay soo jeediyeen in mid ay ka tanaasusho haddii ay dooneyso in shaqada safiirnimada ay qabato oo Kenya ay wakil uga noqoto magaalada Seoul ee South Korea.

Mwende Mwinzi, ayaa hadda wajeheysa in ay labada arrin mid doorato ama shaqadan dhaqaalaha leh ay iska ilawdo.

Dastuurka Kenya Ayaan ogoleyn in qof laba dhalasho haysta uusan marna qaban Karin xil dowladeed, iyadoo arrintaas loo sababeynayo "sida uu qofka daacad ugu noqon karo laba waddan".

Xeerka hoggaanka iyo sharafta ee Kenya ayaa qeexaya in sarkaal kastoo haysta laba baasaboor oo labada dal kala ah in xilka laga qaado.

Hadda waxaa haweeneydan lagu cadaadinayaan in si dhab ah ay ugu dhawaaqdo in ay ka tanaasusho dhalashada ay Mareykanka ka haysato si xilka ay u qabato.

Soomaaliya iyo qurba joogta

Sida ku xusan dastuurka Soomaaliya, qofka xilka qabanaya waa inuu yahay "muwaadin Soomaali ah", balse kuma cadda sida uu xalka noqonayo haddii sharci dal kale uu haysto.

Sidoo kale waxaa lagu qoray in qofka muwaadinka ah uu daacad u noqdo dalkiisa.

Balse dadka arrimaha sharciga faalleeya waxay aaminsan yihiin in qofka uusan daacad u noqon Karin laba dastuur, maadaama uu ku dhaartay labadaba.

Tusaale, shuruudaha madaxwenaha, sida dastuurka ka muuqata, laguma cadeyn arrimaha daacadnimada, balse waxaa lagu xusay da'da, diinta, aqoonta iyo inuusan dembi culus gelin. Sidoo kale shardiga koobaad waa inuu "Soomaali yahay".

Masuuliyiin badan oo xilal ka haya Soomaaliya waxay haystaan dhalashada dalal kale sida UK, Mareykanka, Australia, Norway iyo waddamo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haysta baasaboorka Mareykanka, halka Ra'iisul wasaarahana uu haysto dhalashada dalka Norway.

Sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa haysta baasaboorada dalal kale. Waxaa kaloo jira, safiirro haysta baasaboorada dalalka ay Soomaaliya ku matalaan.

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM