Askar ka howlgashay Soomaaliya oo ku dhow in dil toogasho lagu xukumo
KAMPALA, Uganda – Saddex kamid ah askarta guutada 31aad ee ciidamada Uganda ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa Axadii waxaa lasoo taagay maxkamad ku taala caasimadda Kampala.
Sidda uu wariyey wargeyska maxaliga ah ee New Vision, eedeysaneyaasha ayaa loo haystaa in ay dayaceen "agab dagaal"; ma bixin tafaasiil dheeriya.
Saddexda askari ayaa kala ah; Dan Mauso, 36-jir sarkaal sarre ahaa, Jamal Jiga, 34-jir si madax-banaan ula shaqenayey, iyo Isaac Okullo, 31-jir sarkaal ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Ciidamadda, Andrew Gutti ayaa dacwada u mariyey saddexda eedeysane kuwaasoo iska fogeeyay in ay dambi galeen.
Dacwad-oogeyaasha, Emmy Ekyaruhanga iyo Ambrose Baguma, ayaa waydiistay xeer-beegtadda in waqtiga loo kordhiyo maadaama ay baarista socoto.
Qareenkooda, Silus Kamanda, ayaa ku doodey in aysan jirin shaciyad lagu kordhin karo mudada xabsi ku haynta maadaama aysan wax dambi ah qiran sadexdooda, isagoo dalbaday in xorriyadooda dib loo celiyo inta dambiga lagu helayo.
Gudoomiye Gutti ayaa 19-ka bishaan October sanadka 2020 wuxuu u muddeeyay waqtiga xiga ee eedeysaneyaasha ay kasoo muuqan doonan maxkamada.
Sidda ku xusan warbixinta, eedaha loo haysto Mauso and Jiga waa in mudadii u dhaxeysay October 2019 illaa May 2020 ay si khalad ah ku tureen saddex baasuuke, qoryo dhan boqol xabo iyo in sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya lagu magacaabo Cadis Geedi ay ka iibiyeen laba boqol xabo oo rasaas ah.
Xilli uu ku sugnaa xeryo ku taala Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Jazeera, Okullo ayaa la sheegay in uu lumiyey hub caawiye, qori lamberkiisu yahay M80267676 iyo rasaas ku jirtay qorigaas oo tiradeeda lagu sheegay in ay tahay 310.
Sikastaba ahaato, eedeysaneyaasha ayaa lagu waramay in hadii lagu helo fal-dambiyeedkan ay wajihi kartaan dil toogasho, wallow ay kasoo sokeyso geedi u socod dheer oo maxkamadeyn ah iyo soo bandhigida caddeymo badan.
GAROWE ONLINE