Askar Kenyan ah oo ku dhamaaday qarax ka dhacay sohdinta Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan 10 askari Kenyan ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Garissa gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, maanta oo Sabti ah, sidda ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Qaraxa oo Miino ahaa ayaa waxa uu ka dhacay wadada Degoh gaar ahaan inta u dhaxeysa degaanadda Liboi iyo Damajale.

Askarta la laayey ayaa waxay ka tirsanaayeen bileyska sida gaarka ah u tababaran ee dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Inkasta oo aysan wali jirin koox dusha saaratay, maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeyeen falkan.

Gaari ay ku saf-rayeen oo ay Miinada la kacday ayaa waxaa soo gaarey burbur xoogan, sidda uu sheegay sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

"Ciidamo dheeraad ah ayaa loo diray aaga ay wax ka dhaceen si ay u gaarsanayaa gacan ku dhiigleyaasha," ayuu hadalkiisu ku daray.

Hillary Mutyambai, sarkaal u hadlay Taliska guud ee bileyska, oo dhacdadan xaqiijiyey ayaa xusay in ay baxsadeen dagaalameyaasha.

"Baaritaano ayaan qaadeynaa, waxaana rajeynayaa in dadka nagala shaqeyn doono baacsiga argagixisada," ayuu ku daray.

Cali Korone, gudoomiyaha Garissa, oo cambaareeyay falkan, ayaa waxa uu sheegay in uu tacsi u dirayo eheladda askarta.

Wargeyska afka dheer ee The Star ayaa wuxuu baahiyey in aaga ay wax ka dhaceen looga dhawaaqay xaalad digniin ah loona sheegay shacabka in ay feejignaadan.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa weeraro ay ku beegsadaan askarta, goobaha dadweynaha iyo huteelada ka fulinaya Kenya tan iyo markii ciidamada wadankaas ay Soomaaliya soo galeen 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM