Askar ku dhaawacantay Soomaaliya oo u barooraneysa magdhow

Image

KAMPALA, Uganda – Shan kamid ah ciidamadda Uganda ku meteshay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dooneysa magdhow aan la siin markii ay ku dhaawacmeen intii ay ku sugnaa dalkan dhaca Geeska Afrika.

Moses Opala oo kamid ah askartaas ayaa sheegay in ku dhaawacmeen weerar lala eegtay 2015-kii ayaa xusay in loo qaadey caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasoo lagu daaweeyay isaga iyo askar kale oo saaxiibadiisa ahaa.

Sidda laga soo xigtay Opala, tan iyo xilligaas waxaa jira askar kale oo dhaawacantay kuwaasoo qaatay lacagtooda magdhowga ah.

"Balse, annaga wali ma aanan helin. Waxaana mar walba naloo sheegayaa in aan heleyno oo aan is-dejino," ayuu u sheegay boga Chimp Reports.

Uganda ayaa ciidamadda uga soo waxyeelooba dagaalada waxay dejisaa xero gaar ah, halkaasoo xaaladooda caafimaad iyo xaaladooda lagu ilaaliyo.

"Waxaan ogaanay in magacyadeena aysan kamid ahayd kuwa la siinayo magdhowga. Sidoo kale, waxaa horey naloo sheegay in ay helayaan kuwii la daabulay 2015-kii; anaga waxaanu ahayn 2014-kii," ayuu xusay.

Afhayeenka ciidamadda Uganda, Deo Akiiki oo ugu laab-qaboojiyey ciidanka in magdhowgooda uu soo meelmariyey Midowga Afrika, ayaa mar kale u sheegay in aysan iska waalin isla markaana ay xuquuqda heli doonan.

Balse, ma uusan ka jawaabin sheegashooyinka ku saabsan in shantaan askar aysan gebi ahaanba kamid ahayn liiska kuwa helaya magdhow lacagta.

"Magdhowga waxaa bixiyey Midowga Afrika. Horey waxaa loo siiyey kuwa dhaawacmay iyo kuwa dhintay.Liiska baaqiga ah way heli doonan. Askarteena waa in ay is-dejiyaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Akiiki.

Askartan u barooraneysa magdhowga ayaa magacyadooda waxay kala yihiin Moses Opala, Tony Wandaba, Emmanuel Bwanbale, Joakim Kule, iyo Franis Mbabazi. Qaarkood waxay kasoo howlgaleen magaala madaxda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM