Askari la waayey kadib weerarkii AlShabaab ee Wajeer oo la helay

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ayaa Arbacadii xaqiijiyey in nolol lagu helay askari ka tirsan Booliska Kenya kaasi oo la waayey kadib gaari uu ku socdaalayey ay Sabtidii haleeshay Miino.

Stephen Ngetich, taliyaha Booliska Wajeer ayaa shaaciyey in askariga ay dadka degaanka kasoo heleen tuuladda Konton.

Mr Ngetich ayaa intaasi ku daray in sarkaalka Booliska la geeyay isbitaalka magaaladda si tijaabo caafimaad looga qaado.

In ka badan 12 askari ayaa lagu dilay weerarkii Sabtida oo laga soo wariyey inta u dhaxeysa tuulooyinka Kharof Harar iyo Konton.

Laba kale, kuwaasi oo dhowaan uu soo gaarey, ayaa loo qaadey dhanka Naitobi si baxbaano caafimaad loogu sameeyo.

"Askarta kale waanu aasney, qaarka Muslimka ahaa sida ay Diintoodu qabto baa lagu duugay," ayuu u sheegay Daily Nation.

Duulaan

Taliyaha oo sii hadlaya ayaa qashinka ku daray wararka sheegaya in askarta dhowaan halkaasi la geeyay aysan kala aqoonin degaanka.

Khamiistii, Al-Shabaab ayaa ku duushay degaanka Konton waxayna qafaalatay saddex kamid ah askarta keydka ee Kenya.

Sikastaba ha ahaatee, illo wareedyo dhanka sirdoonka ayaa tilmaamaya in kooxda fadhigeedu yahay Soomaaliya ay askartaasi kaga kaxeysatay degaanka mootooynka laba lugood leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM