Askari lugihiisa ku waayey Soomaaliya oo hantay quluubta dadkiisa

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dagaalka ka socda Soomaaliya kaliya ma uusan saameyn ku yeelan muwaadiniinta gudaha ku nool, balse wuxuu dhibaatooyin kala duwan u geystay askarta iyo shacabka u soo gurmaday dalka.

Mushkiladaha ayaa isugu jira jir ahaan iyo maskax ahaan, kuwaasi oo qaarkood soo gaara askarta qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM.

Mid kamid ah dhibaneyaasha weeraradda Al-Shabaab waa Edwin Wekoba, laba alifle ka tirsan ciidanka difaaca Kenya, kaasi oo labadiisa lugood ku beelay guluf ka yimid xoogaga "argagixisada ah".

Inkasta oo aysan jirin niyad-jab ka weyn in ay wayso laba kamid ah xubnahaaga ugu muhiimsan, haddana Wekoba, oo ku socda gaariga dadka curyaanka ah, wuxuu yahay mid aad u niyad-san.

Isaga oo kasoo muuqday munaasabad ka qabsoontay magaaladda Nairobi, todobaadkan, waxa uu la kulmay sacab, soo dhaweyn iyo hab-siin balaaran oo ah guud ahaan madaxdii xafladda joogtay.

Munaasabadda ayaa waxay ahayd ciyaar u dhaxeysay Milatariga Wadamadda Bariga Afrika, waxaana askarigan uu soo galay qalcadda, isaga oo lulaya calanka dalalka Geeska Afrika.

Dhacdada oo hal-heyskeeda ama hal-dhigeeda uu yahay "Hal dad iyo hal fogaan" ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Raychelle Omamo.

Kenyan-ka adeegsada baraha bulshadda oo ka fal-celiyay sheekadda Edwin Wekoba ayaa wuxuu hantay quluubtooda, iyaga oo u rajeeyay nolol heer sarre ah iyo dulqaad badan.

"Nolosha dhabta ah waa sumcad," ayuu yiri mid kamid ah dadka ka hadlay. Mid kale ayaa intaasi raaciyey: "Edwin Wekoba waa Kenyan dhab ah, naafanimadu ma ahan in aadan awood lahayn".

Ciidanka Kenya ayaa kasoo galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii dhinaca Jubooyinka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin tan iyo waqtigaasi, iyaga oo dib kaga biiray howlgalka AMISOM.

Ciidanka ayaa gacanta ku haya qeybta labaad ee taliska AMISOM taasi oo fadhigeeda uu yahay magalaadda Kismaayo oo ay 2012-kii ka saareen maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM