Asmara oo shir uga furmaya Madaxweyne Mustafa iyo ONLF

Image

JIGJIGA - Madaxwaynaha Dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamuud Cagjar iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo DDSI ka tirsan.

Ujeedka socdaalka Cagjar ayaa la fahansan yahay inay salka ku hayso kulamo uu halkaasi ku leeyahay madax ka tirsan hogaanka Jabhadda xorreynta Ogaadeen ee ONLF, kuwaasoo dhowaanahaan wadahadalo la furay dowladda Federaalka iyo maamulka.

Wararka ayaa xaqiijinaya in kulanka ay yeelanayaan Cagjar iyo madaxda ka tirsan ka socota ONLF diiradda lagu saari doonaa sidii loo taabagelin lahaa heshiis horudhac ah oo ay dhowaan kala saxiixdeen maamulka degaanka iyo Jabhadda.

Qodobadda ugu muhiimsan ee heshiiskaasi waxaa qayb ka ahaa in ONLF loo ogolaado inay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka sameeyaan degaanada kala duwan ee gobolka iyo inay noqon karaan xisbi siyaasadeed marka la gaaro doorashadda 2020-ka.

Kulankaan ayaa imaanaya xili wafuud uu horukacayo Afhayeenka ONLF, Cabduqaadir Cadaani Hirmooge ay dhowaan booqasho ku tageen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay masuuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online kadib marka ay heshiiska kusoo kala saxiixdaan dhinacyada ku lugta siyaasadda degaanka ay socdaal wadajir ah ku imaan doonan xarunta Soomaali Galbeed Jigjiga, halkaasoo munaasabad balaaran loogu qabanayo.

ONLF oo dagaal ka waday dhulka Soomaali Galbeed tan iyo 1991-kii ayaa sababay dhimashadda boqolaal dad ah, kuwaasoo isugu jira Shacab iyo Askar, laakiin dabeesha nabadeed ee uu la yimid Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha ayaa kusoo hirtay wadahadalo miro dhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM