AU-da oo ka hadashay ergay ay u soo direyso Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Afrika ayaa sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabaya ergayga gaarka ah ee wakiilka UN-ka, James Swan, kala shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sidda uu sheegay guddoomiyaha guddiga AU-da, Moussa Faki Mahamat.
Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Moussa Faki Mahamat, AU-da ayaa sidoo kale waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Aqalka Hoose ku laalay muddo kororsiga kuna soo celiyey heshiiska 17-kii September iyo taageerada saamileyda u muujisay doorka cusub ee xukuumada xilgaarsiinta.
"Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, ka dib codsigii mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Guddoomiyaha Guddiga ayaa ammaanay H.E. Madaxweyne Farmaajo oo hor mariyay danaha shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo soo dhaweynayaa doorka hoggaamineed ee loo igmaday Ra'iisul Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan iyo sugidda amnigeeda".
"Intaa waxaa sii dheer, Guddoomiyuhu wuxuu u mahadcelinayaa daneeyayaasha Soomaaliyeed sida ay u ajiibeen baaqii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee ahaa inay u hoggaansamaan heshiiskii Sebtember 2020 ee ay wada qaateen dhammaan daneeyayaasha ahna qaabka ugu macquulsan ee lagu abaabuli karo doorashooyinka sida ugu dhaqsaha badan," ayay xuseen.
Warka ayaa intaas ku daray: "Guddoomiyuhu wuxuu mar kale ku celinayaa baaqa ah in si deg deg ah loogu laabto wadahadalka iyo geedi socodka wadaxaajoodka. Wuxuu u xaqiijinayaa Soomaaliya taageerada firfircoon ee AU iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan".
"Gudoomiyuhu wuxuu xusayaa in Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee ka shaqeyn doona Ergeyga Gaarka ah ee siyaasada Soomaaliya, loosoo magacaabi doono, si dhakhso leh," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.
Golaha Nabadda, amniga iyo Siyaasadda Midowga Afrika ayaa horey u soo jeediyey in AU-da ay ergay gaar ah u xilsaarto soo afjarida qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan muranka doorashooyinka, waxaana baaqa ka dambeeyay markii Farmaajo uu dalbadey xal Afrikaan ah.
GAROWE ONLINE