Axmed Shide oo mar kale kasoo muuqday Wasiirada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Gollaha Sharci dejinta ee Itoobiya ayaa maanta oo Talaado ah si aqlabiyad ah umeel-mariyay Gollaha Wasiiradda cusub ee uu dib u eegis uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Xukuumadda cusub oo ku saleysan sharci qabyo qoraal ah oo uu sameeyay Ra'iisul Wasaaha ayaa waxaa matalaad fiican ku yeeshay Haweenka, kuwaasi oo qoondo dhan 50% la siiyey.

Wasiiradda dumarka ah ee kasoo muuqday ayaa tiradoodu waxay gaareysaa saddex, kuwaasi oo loo kala magacaabay; Wasaaradaha difaaca iyo Nabadda oo ah mid uu cusub.

Sidoo kale, wasiiradda oo kolka hore tiradoodu gaareysa 30 ayaa laga dhigay 20, taasi oo aanan la ogayn sababta ka dambeysay.

Dhinaca kale, dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya ayaa kaliya hal Wasiir ku yeeshay Gollaha Fulinta cusub, waxaana uu yahay Axmed Shide oo wasiirka Maaliyada, xili uu yahay Gudoomiyaha Xisbiga haya talada degaanka.

Hoos Ka Arag Magacyada Wasiirada Cusub:

Mr Muferiat Kamil, Wasiirka Nabadda
Mrs Aisha Mohammed, Wasiirka Difaaca
Ahmed Shide, Wasiirka Maaliyadda
Umer Hussien, Wasiirka Beeraha
Mrs Fetlework Gebregziabher, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Mr Adanech Abebe, Wasiirka Dakhliga
Dr Getahun Mekuria, Wasiirka Teknolojiyada
Mrs Dagmawit Mogre, Wasiirka Gaadiidka
Jantirar Abay, Wasiirka Horumarinta iyo Dhismaha
Dr Samu Hurko, Wasiirka Miinada iyo Batroolka
Dr Tilaye Gete, Wasiirka Waxbarashada
Mrs Hirut Woldemariam, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Mrs Yalemtsegay Assefa, Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada
Orgege Tesfaye, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Mrs Hirut Kassaw, Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska
Mrs Fitsum Assefa, Wasiirka Qorsheynta iyo Guddiga Horumarinta
Dr Workneh Gebeyehu, Wasiirka Arrimaha Dibadda
Dr. Amir Aman, Wasiirka Caafimaadka
Dr.Engineer Seleshi Bekele, Wasiirka Biyaha, Irrigation iyo Korontada
Berhanu Tsegaye, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo la siiyey darajo wasiir

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo Gollaha Baarlamaanka ka jeediyay khudbad uu ku sharaxayo magacaabistiisa ayaa ku nuux-nuux saday in xubnaha uu soo xushay uu u eegay aqoontooda iyo kartidooda.

Abiy oo si gaar ah uga hadlay arrinta qoondada Dumarka ayaa yiri "Haweenkeena wasiiradda waxay meesha ka saarayaan dhaqankii jiray oo ah Dumarku aysan waxba hogaamin karin".

Waa markii labaad oo uu Abiy Axmed soo magacaabo Wasiiro cusub tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April, xili markii koowaad lagu dhaleeceeyay qoondada Dumarka wasiiradda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM