Baadari nin Shabaab ah u gacan-geliyay booliska markii uu qirtay dambi

Image

NAIROBI, Kenya – Nin galay kaniisad ku taala Mombasa isla markaana qirtay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab ayaa xabsi loo taxaabay.

Shalay, maxkamad ayaa amartay in shaqsigan jeelka lagu sii hayo tobban maalmood si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

La tuhunsanaha oo Kaniisada aaday Jimcadii halkaasoo uu ku qirtay kamid-ahaanshiyaha kooxda ayaa baadigoobayey "duco".

Kadib qirashadiisa, baadariga ayaa u yeeray ciidamadda booliska si ay u xiraan kahor inta uusan shalay kasoo muuqan maxkamadda.

"Latuhunsanaha ayaa duco u galay Kaniisadda. Baadariga waa ninka u yeeray bileyska si loo xiro," ayuu yiri dacwad-oogaha, Eric Masila.

Masila ayaa xusay in ninka laga shakisan yahay, oo dhowaan kasoo laabtey Soomaaliya, uu hayo xogo hay'addaha amniga kaga hortagi karaan "weeraro argagixiso".

"Waxaan rajeynaynaa in baaritaanka uu sahli doono in sidoo kale lasoo xiro xubno badan oo kasoo laabtey Al-Shabaab," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Inta ay ku guda jiraan baaritaanka, waxay dabageli doonan telefoonkiisa, sooyaalkiisa iyo hadii uu dambiyo horey u geystay.

Eedeysanaha oo aan lasoo bandhigin magaciisa ayaa la sheegay in uu si degan u fadhiyey intii uu socday fadhiga koowaad ee maxkamadeyntiisa.

Ugu dambeyntii, maxkamadda ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan u muddeysay in ay dib u bilaabi doonto 23-ka bishan Janaayo ee sanadka 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM