Baaritaanka weerarkii Manda Bay oo dib-u-eegis lagu sameynayo

Image

WASHINGTON, USA – Mareykanka ayaa dib-u-eegi doona baaritaanka weerarkii Manda Bay ee Al-Shabaab kaas oo lagu bartilmaameedsaday xerada Camp Simba, oo ah Saldhigga Ciidamada Badda Mareykanka ee Kenya, ahna mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan uguna qalabeysan Bariga, Bartamaha, iyo Koonfur Afrika. Go'aankan wuxuu yimid hal sano kadib markii uu dhacay falkaas.

Gen [Rtd] Lloyd J. Austin III, oo ah Xoghayaha Difaaca, wuxuu amar ku bixiyay in dib-u-eegis heer sare ah lagu sameeyo baaritaanka millateri ee weerarkan dhacay bishii Janaayo sanadkii 2020-kii kuna naf-waayeen saddex Mareykan ah, sida ay Isniintii warisay Jaririada New York Times oo soo xigatay Pentagon-ka.

Weerarkaas ay fuliyeen maleyshiyo tiro badan kana tirsan Al-Shabaab ayaa daaha ka rogay waxyeeladii ugu badneyd ee askarta Mareykanka kasoo gaarta weeraradda ka dhaca qaaradda Afrika tan iyo markii afar askari looga diley weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddanka Niger bishii Oktoobar 2017.

Kumaandooska Mareykanka waxay ku qaadatay hal saac in ay si wax ku ool ah uga falceliyaan weerarkaas. Qaar badan oo ka mid ah ciidamada Kenya ee deegaanka, oo loo xil saaray inay difaacaan saldhigga, waxay ku dhuunteen cawska halka ciidammada kale ee Mareykanka iyo xubnaha ka tirsan shaqaalaha taageerana ay ku xoomeen teendhooyin, sidda ay warisay majalada New York Times.

Mid kamid ah askarta Mareykanka ee ku dhaawacmay weerarka ayaa loola cararay isbitaal milatari oo ku yaala Jabuuti oo xerada u jirta 1,000 meyl. Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo intii uu joogay maamulkii Donald Trump wuxuu baaritaan ku sameeyay weerarka.

Hasa ahaatee, dadweynaha lama wadaagin tafaasiisha baaritaankaas. Sadexda Ameerikaanka ee ku nafwaayey weerarka waxay laba kamid ah ahaayeen laba qandaraasleyaal, halka kan kale uu ahaa askari ka tirsan ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dalkaas.

Halkuu uu aqbali lahaa natiijadda baaritaankii hore, Mr. Austin wuxuu amar ku siiyay Ciidanka in ay magacaabaan sarkaal afar xidigle ah oo ka baxsan qeybta taliska Afrika si dib loogu eego natiijooyinka iyo gunaanadka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay waaxda difaaca oo warbaahinta lala wadaagay.

Taliska ayaa u magacaabay Gen. Paul Funk, oo ah madaxa adeegga Tababarka iyo Caqiidada, inuu sameeyo dib u eegista. Waxaa wehliya sadex sarkaal kale.

Weerarku wuxuu banaanka soo dhigay habacsanaan xagga amniga ah oo haysata militariga Mareykanka iyo xulafadooda, taasoo horseeday dadaal badan oo lagu baadi goobayo sidii loo heli lahaa istaraatiijiyad sax ah oo wax looga qabanayo la dagaalanka argagixisadda. Daldaloolada ay ka mid yihiin habacsanaanta ka dhex jirta ciidamada waxaa markii ugu horreysay kashifay New York Times.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM