Baarlamaanka DDSI oo kulan yeelanaya iyo ajandaha laga doodayo

Image

JIGJIGA - Xubnaha sharci dejinta ee dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa waxay maanta oo Axad ah ay ku yeelanayaa maanta oo Axad ah magaaladda Jigjiga ee xarunta Soomaali Galbeed kulan deg deg ah, sida laga soo xigtay illo xog ogaal ah.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa labo arrimood oo kala ah, isbedalada lagu samaynayo magaca iyo astaanka degaanka, taasoo uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxwaynaha cusub Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] in lagu soo celinayo sidii ay horey u ahaayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xilldhibaanada Gollaha ka tirsan laga loo diray fariimo sheegaya inaan loo kala harin kulankaan, maadaama qodobadda laga doodayo ay yihiin kuwa masiiri ah, oo degaanka mustaqbalkiisa wax wayn ka bedali doonto sanadaha soo socda.

Hadii ay cod wada ogol ah ay ku meel-mariyaan xubnaha sharci dejinta ee degaanka waxay noqoneysaa talaabo taariikhi ah, taasoo baal dahab ah ka gesha sooyaalka degaanka, waxayna qayb ka noqoneysaa isbedalada waa wayn ee ka soconaya dalka Itoobiya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee uu ku qabsoomi lahaa kulankaan ayaa ka soconeysa xarunta dowlad degaanka Soomaalida, xili amaanka dhismaha Baarlamaanka si wayn loo adkeeyay, waxaana shacabku u dhagtaagayaa mowqifka Baarlamaanku qaadan doono.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxwaynaha cusub ee degaanka Soomali Galbeed uu ka dhawaajiyay go'aanka lagu bedalayo magaca iyo Astaanka gobolka, waxaana talaabadaasi si wayn usoo dhaweeyay Shacabka iyo Jabhadda xorraynta Odaageen ee ONLF.

ONLF iyo maamulka cusub ee degaanka ayaa isla shalay oo Sabti ahayd waxay ku dhawaaqeen inay gaareen heshiis, kaasoo loogu bedalayo Xisbi siyaasadeed oo degaanka ka jira, waxaana loo ogolaaday inay aragtidooda siyaasadeed ay ka gadaan shacabka kahor doorashadda 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM