Baarlamaanka Ghana oo baabi'iyey xukunka dilka toogashada

Image
Go'aankan ayaa badbaadin doonaa 170 rag ah iyo lix dumar ah oo ku xukunaa in la daldalo.

ACCRA Ghana - Baarlamaanka dalka Ghana ayaa u codeeyay in la baabi'iyo xukunka dilka ah, iyadoo dalkan uu ku biiray liiska dheer ee dalalka Afrikaanka ah ee sidan oo kale sameeyay sannadihii u dambeeyay.

Waddankan waxaa hadda dil ku xukuman 170 rag ah iyo lix dumar ah, kuwaas oo xukunkooda hadda lagu bedeli doono xabsi daa’im. Dilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993-kii.

Ciqaabta dilka toogashadda ah ayaa ahaa xukunka qasabka ah ee dilka gudaha Ghana. Balse, go'aankan cusub waxa uu badbaadin doonaa dad badan oo tiirka lasoo taagi lahaa.

Ra'yi uruurin ay sameeyeen hay'ado madax-banaan ayaa waxay soo jeedinaysaa in badi dadka Ghana ay oggolaadaan baabi'inta ciqaabta dilka toogashadda ah.

Sannadkii hore toddobo qof ayaa lagu xukumay dil toogasho ah dalka Ghana – balse midna lama daldalin. Dadka lagu helo khiyaano qaran ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin dambiyada dilka lagu muteysto.

Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga dambiyada waxaa soo gudbiyay mudane Francis-Xavier Sosu waxaana uu taageero ka helay guddiga baarlamaanka ee dastuurka, sharciga iyo arrimaha baarlamaanka.

Benin, Central African Republic, Chad, Equatorial Guinea, Sierra Leone iyo Zambia ayaa horey usoo saarey qaraaro noocaan oo kale ah waxaana ay sacabo-tun ka heleen qaar kamid ah hay'adaha xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM