Baarlamaanka Kenya: Xildhibaanadii tegay Muqdisho lama ciqaabi doono

Image

NAIROBI, Kenya – Guddoonka baarlamaanka wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaadey in 11-kii Xildhibaan ee kasoo jeeday gobolka Waqooyi Bari ee u socdaalay Soomaaliya aysan la kulmi doono wax ciqaab ah.

Justin Muturi, afhayeenka baarlamaanka, ayaa Talaadadii wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay go'aankaas.

Isagoo sharaxaad ka bixinaya sababta, wuxuu tilmaamay in kaliya mudaneyaasha looga baahan yahay in ay qaataan fasax hadii xubnaha safarka galaya ay saaran tahay xayiraad ama cunaqabateyn.

"Maadaama aysan jirin wax xayiraad oo ka dhan ah xubnaha kuwaasoo aanan afhayeenka ku wargelin u safrida dal kale, waxaan ka dalbanayaa in ay ilaaliyaan dastuurka," ayuu ka sheegay fadhiga.

Sababta ay idinka u qaadanayaa waxaa lagu qeexay si loo ilaaliyo dareenka dadka iyo in guddoonka uu ogyahay halka ay sharci-dejiyeyaasha u dhoofayaan si uu kaga jawaabo hadii la su'aalo.

Xubnaha booqdey Soomaaliya waxay kala yihiin; Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera) and Omar Maalim (Mandera East). Others are Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali Sheikh (Mandera South), Ahmed Bashane (Tarbaj) iyo Mohamed Dahir (Dadaab).

Xildhibaanadaan oo socdaalkooda ku qeexay mid quseeyay dhanka ammaanka ayaa la kulmay madaxweyne Farmaajo, wallow warar soo baxaya ay tilmaamayaan in uu qaabilay taliyaha NISA.

Booqashada oo xoojisey xiisada siyaasadeed ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii ay Soomaaliya ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, wallow Kenya ay beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM