Banaanbax lagu taageereeyay Abiy Axmed oo la qarxiyey; khasaaro jira

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 29 qof ayaa la wariyey in lagu dilay, tirro kelana ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed lagu weeraray banaanbax lagu taageereeyay ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Laanta Af-Amxaariga ee BBC-da ayaa ku warantay in dhacdadaan laga soo tabiyey magaaladda Ambo ee gobolka Oromada.

Taliska Booliska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka, isla markaana xaaladoodu fiican tahay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dad loo xiray falkaas, oo noqonaya kii ugu dambeeyay ee liddi ku ah nabad-gelyada guud.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa iyaddoo Itoobiya isu diyaarineyso doorashooyin xasaasi ah, kuwaasoo tijaabo adag u ah Abiy Axmed.

Asbuucyaddii lasoo dhaafay gobolada kala duwan ee Itoobiya waxaa ka dhacay isu soo baxyo taageero loogu muujinayo wasiirka koowaad ee Addis Ababa.

Jimcadii ayay ahayd markii la dilay taliyihii booliska Bururu, isla markaana la dhaawacay saddex kale iyagoo kawada casheynaya duleedka Addis Ababa. Shaqsiyaad la tuhunsan yahay ayaana xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM