Bandow lagu soo rogay qeybo kamida Kenya xili ay jirto cabsi weeraro

Image

NAIROBI, Kenya – Iyaddoo ay jiraan digniin ay bixinayaa macluumaadyo laga helay laamaha sirdoonka oo ku aadan weeraro ay Al-Shabaab qorsheynayso ayaa lagu waramayaa in qeybo kamid ah Kenya lagu soo rogay bandow.

Bandowgan oo dadka degaanka faraya in ay ku negadaan hoygooda iyo in aysan dhaqdhaqaaq badan sameyn ayaa si gaar ah u sameeyay tuulada Ras Kamboni ee gobolka Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya.

Jaraa'idka The Star ayaa kasoo xigtay shaqsiyaad halkaasi ku sugan in ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay sameynayaan howlgalo aan kala joogsi lahayn.

Saraakiisha oo diiday in ay ka warbixiyaan howlgalada ayaa tilmaamay in ay u gaarsanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay warbixinadu tibaaxayaan in ay gudaha u soo galeen degaanka.

Xogaha laga helayo hay’addaha nabad-gelyadda ayaa soo jeedinaya in xubnaha xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ay gudaha tuulada ku diyaarinayaa weeraro.

Tafaasiisha macluumaadka sirdoonka ayaa daboolka ka qaadeysa in weerarada lagu beegsan karo gaadiidka rakaabka, goobaha ay dadku kulmaan iyo ciidamada wada roondooyinka amni-xaqiijinta ah.

Fahfaahinta oo soo baxday horaantii bishan ayaa intaasi raacineysa in magaalooyinka ay Al-Shabaab weerarada u qorsheysay ay kamid yihiin Nairobi, gaar ahaan goobaha caanka ah.

Todobaadkii hore, booliska Kenya ayaa shaaciyey in ay dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ay xuseen in ay walxo qarxa ay dhigayeen waddo ku taala degaanka Kiunga ee is-maamulka Lamu.

Daqiiqo kadib markii ay dhigeen miinadda ayaa la sheegay in ay qaraxday, taasi oo keentay dhaawaca laba sarkaal oo ka tirsan bileyska Kenya.

Al-Shabaab ayaa ahayd khatarta ugu balaaran ee ammaanka Kenya ayaa tan iyo markii ciidamada waddankaasi ay soo galeen Soomaaliya, oo ay ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM