Baqdin laga qabo Al-Shabaab oo loo hakiyey gaadiidka Mandhera

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta gobolka Mandhere ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey adeegsiga gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Is-maamulkaasi iyo kuwa deriska la ah.

Taliyaha bileyska, Jeremiah ole Kosiom, ayay saxaafada kasoo xigtay in talaabadani ay ka dambeysay markii ay helayn xogo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayso weeraro.

"Maleyshiyaadka waxay beegsan doonan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gudba wadada isku xirta Mandera-Rhamu-Elwak," ayuu taliyaha yiri, sidda ay ku warameyso Daily Nation.

Rakaabka oo uu xusay in xaaladan soo korodhay loo sheegay ayuu sidoo kale daaha ka rogay in lagu war-geliyey in illaa iyo amar dambe ay baaqi kusii ahaadan guryahooda oo aysan safri karin.

Dadweynaha gobolka ku nool oo uu ku tartarsiiyey in ay is-dejiyaan ayaa waxa uu ka codsaday in ay kusoo war-geliyaan laamaha amaanka hadii ay soo food-saarto xaalad ammaan dari oo culus.

Isaga oo sii hadlaya ayuu daboolka ka qaadey in weerarada ay Al-Shabaab qorsheyneyso ay yihiin kuwa "aar-gudasho ah" maadaama ciidamada ay isbuucii horey weeraraan saldhig ay xero ay kooxdu lahayd.

Saldhigaasi oo ku dhex-taala gudaha gobolka Mandhera ayaa saraakiishu amnigu rumeysan yihiin in ay ku sugan yihiin ku dhowaad 40 dagaalame oo ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Waxaan ka feejigan nahay weerar kasta oo aar-goosi ah, waxaanu u sheegaynaa in ay noo yimaadan, diyaar ayaanu u nahay," ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo u muuqaday u goodinaya.

Geesta kale, ururka gaadiidleyda Mandera oo hakinta gaadiidka dadweynaha wax laga waydiiyay ayaa shaaciyey in laga talogeliyey, wallow ay saluugeen in aanu jirin wax waqti ah oo loo cayimay.

Rakaabka ugu badan ee ay saameyn doonto arrintan ayaa ah kuwa isticmaala Mandera-Nairobi kuwaasi oo si adag cambaareeyay talaabada dowlada, iyaga oo codsaday in la qaado xayiraada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM