Bartilmaameedyada weeraro laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Macluumaad laga helay hay’addo sirdoon ayaa waxay ka digayaan suurtogalnimadda weeraro ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada Kenya ee Nairobi.

Xogaha ayaa intaasi waxay ku darayaan in weeraradda ay dhacayaan inta lagu guda jiro bishan Julaayo ama tan soo aadan ee Agoosto sanadkan 2019-ka.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ay walxo qarxa kusii daableyso waddanka Kenya.

Bartilmaameedyadda weerarada ayaa la sheegay in ay kamid tahay goobaha dalxiiska oo ay joogaan ajaaniib fara badan, sida ay tibaaxayaan xuuraanada sirdoonka.

Warbixinta oo loo gudbiyey hay'adaha amniga Kenya ayaa raacisay in sidoo kale bartilmaameedyadda ay ku jiraan Macalimiinta ka howlgashada goboladda.

Digniintan ayaa imaaneysa xili ay Kenya dhowaan xukun ku riday rag ka dambeeyay weerarkii Jamaacadda Garissa, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhowaad 150 ruux.

Mid kamid ah shaqsiyaadka duulaankaasi lagu soo eedeeyay ayaa waxaa garka loo geliyey xabsi daa'in xili laba kale lagu xukumay 47-sano oo xabsi ah.

Sikastaba, Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro kaga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay kusoo biireen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Bishii Janaayo 2019 ayay ahayd markii ay Al-Shabaab weerartay dhismaha DusitD2 oo ka kooban huteelo iyo xafiisyo, halkaasi oo ay ku dishay tobabanaan, ayna haysatay saacado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM