Booliska Kenya oo goobaya Soomaali-Ameerikan "la waayey"

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Booliska Kenya ayaa bilaabay baaris ay ku baadigoobayaan Soomaali-Ameerikaan ay cid ugu war dambeysay 13-kii bishaan May isla markaana aan la ogeyn meel uu cirib iyo jaan dhigay.

Majalada The Star oo warisay in markii ugu dambeysay ee la arko ama uu qof la hadlo Bashiir Maxamed Maxamuud uu ku sugnaa goob loo nasasho tago laguna magacaabo Miale kuna taala caasimadda Kenya ee Nairobi.

Isaga oo soo xiganaya muuqaal CCTV, wargeyska ayaa wuxuu intaas ku daray in markii u dambeysay uu Bashiir lacag siinayey ilaaladiisa uuna watay gaari midabkiisu yahay madow ayna galbinayeen ilaaladiisa gaarka ah.

Sida ku xusan warbixinta, qoyska Bashiir ayaa 14-kii May waxay saldhiga booliska Muthangari ka diiwaan-geliyeen in aysan war ka ahayn, waxaana halaas ka bilowday baadigoobka iyo rajada in la helo isaga oo nool.

Gaari loo maleynayo in uu yahay kii uu saarnaa Bashiir ayaa laga helay aagga Kibiku magaalada Ngong ee ismaamulka Kajiado. Balse, baabuurka waa mid la gubay. Ma cadda cidda ka dambeysay iyo sababta loo gubay.

Qoyska iyo qareenada marxuumka ayaa tuhunsan in la afduubtay Bashiir. Hase ahaatee, taliska booliska Nairobi wuxuu sheegay in illaa haatan aysan xaqiijin arrintaas ayna sii wadayaan baaritaanka ay goordhow bilaabeen.

Charles Madowo oo ah madaxa qareenada ay qabsadeen qoyska ayaa ka dalbadey dowladda Mareykanka in ay ka caawiso sidii loo heli lahaa isaga oo nool maadaama la damiyey qalabka dabagala ee ku xirnaa gaarigiisa.

Waa kuma Bashiir Maxamed Maxamuud?

Bashiir oo 36 jir ah waa Injineer Soomaali-Mareykan ah oo xagga dhismaha ka shaqeeya. Waxaa la sheegay inuu kamid yahay qandaraasleyaasha mashruuc ay dowladu Kenya ka fulisay Kisumu sanadkii lasoo dhaafay.

Saaxiibbadiis ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in shirkadiisa ay ka shaqeysay arrimaha; dhismaha guriyaha, kireyntooda iyo naqshadeynta guryaha. Wuxuu deganaa Gobolka Ohio ee waddanka Mareykanka.

Madowo ayaa u sheegay The Star in Bashiir uu la noolaa xaaskiisa iyo caruurtiisa. Wuxuu asal ahaan kasoo jeeday magaalada Belad-Xaawo, gobola Gedo ee Soomaaliya ka hor inta uusan u guurin Mareykanka.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa, sida ku xusan warbixinta Jariiradda, waxay daaha ka rogeen inuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ku lugta lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya.

Taliyaha booliska Nairobi, Augustine Nthumbi, ayaa ku gaabsaday in baaritaanada ay wali socdaan. "Wali wax natiijo ah kama gaarin halka uu ku sugan yahay laakiin baaritaanada ayaa socda," ayuu kusoo koobay hadala.

Koox dambi baaris ah oo booqatay goobta laga helay baabuurka ayaa qorsheyneysa inay gacanta ku dhigto qalabkiisa isgaarsiinta si loo ogaado haddii dadka uu la hadlay ay noqon lahaayeen dableyda afduubatay.

"Waxaa suurtagal ah in shaqsiyaad ku dhow ama uu yaqaano isaga ay ka dambeeyaan tan laakiin ma ogin ujeedka weli," ayuu yiri baare magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in qadiyadda ay tahay "mid aad xasaasi u ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM