Booliska Itoobiya oo xiray Mas'uuliyiin kale oo katirsan DDSI

Image

JIGJIGA - Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ah ee dalka Itoobiya, ayaa maanta xabsiga dhigay lix xubnood oo kamid ahaa Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo shalay xasaanadda laga qaadey.

Taliyaha Booliska Itoobiya, Zeyinu Jemal ayaa xaqiijiyay in la xiray 6 xubnood oo kamid ahaa Baarlamaanka DDSI, kuwasoo lagu soo eedeeyay inay sameeyeen kicin dadweyne oo sababtay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalooyin ku yaalla gobolka.

Gollaha Sharci dejinta dowlad degaanka ayaa shalay xasaanadii ka xayuubiyay 7 xubnood oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], kaasoo isla shalay lagu xiray magaalada Addis Ababa.

Cabdi Illey oo DDSI soo maamulayay mudo 15 sano ayaa waxaa loo heystaa ku xad-gudubka xuquuqul insaanka, musuq maasuq iyo inuu kaalin ku lahaa rabashadiihii dhacay.

Saraakiisha maanta la xiray iyo Cabdi Illey ayaa la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago, sida uus sheegay Zeyinu Jemal oo la hadlay Warbaahinta dowladda Itoobiya.

Hoos ka akhriso xubnaha la xiray:

1. Cabdi Maxamed Cumar – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka,

2. Cabdi Jamaal Qelonbi - Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda,

3. Raxma Maxamed – Madaxa arrimaha Haweenka iyo Caruurta,

4. Ibraahim Mahdi – Wasiirka Waxbarashada,

5. Deeq Cabdullaahi – Ku xigeenka Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka,

6. Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaaladda Jigjiga,

7. Cumar Cabdi – Madax arrimaha siyaasadda ee Xisbiyadda Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP.

Waxa kaloo booliska Itoobiya uu baarayay islamarkaana aqoonsaday koox dhalinyaro ah oo uu abaabulay Cabdi Illey lagu magacaabo Heego, kuwaasii qeyb ka qaatey dibad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale.

Warsidaha Garowe Online ayaa isha ku hayay isbedellada ka socda DDSI oo lugaha la galay qalalaase siyaasadeed bishii lasoo dhaafay taasoo horseeday inuu is-casilo Cabdi Illey. [Halkan ka akhri warbixinta]

GAROW ONLINE

 

Related Articles

Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti...

  • Afrika

    30-07-2025

  • 06:46AM

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM