Booliska Kenya oo ka warbixiyey khasaaraha weerarka baska Lamu

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerar bas oo Khamiista maanta ah ka dhacay ismaamulka Lamu, oo ku dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha booliska maamul goboleedka, Irungu Macharia, ayaa sheegay in saddex kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay wadada isku xirta degaanadda Lamu-Garsen.

Macharia ayaa sheegay in ciidamo loo diray meesha ay wax ka dhaceen isla markaana ay ku raadjoogaan maleeyshiyaadka.

Tiradda geerida ayuu cod dheer ku sheegay in ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo ay daran tahay xaaladooda.

"Waxaan xaqiijin karaa dhimashadda saddex kadib dabley looga shakisan yahay maleeyshiyaad ay weerareen bas. Saddex kale ayaa dhaawac culus soo gaarey. Macluumaad intaa ka badan waa kadib baaritaanka".

Illo wareedyo waxay sheegayan in xubnaha oo kasoo baxay keymaha u gacan haatiyeen baska, balse dawaralka oo ka shakiyey in ay noqdaan argagixiso ayaanan joogsan, taasoo keentay in ay rasaaseeyaan.

Baska oo ay leedahay shirkadda Mombasa Raha ayaa abaare halkii subaxnimo iyo bar kasoo baxay Mombasa, waxaana uu ku wajahnaa Lamu.

Wargeyska The Star, oo soo xigtay macaamiisha Baska, ayaa ku waramay in 44 rakaab ah ay saarnaayeen Baska. Rakaabka badbaaday waa laga soo daad-gureeyay goobta ay wax ka dhaceen.

Weerarkan ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay oo lagu eedeeyo Al-Shabaab oo sanadkan cusub ee 2020-ka ka dhaca Kenya, waxaana uu kusoo aadaya iyaddoo laga digayey falal noocaan ah oo dhici kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM