Booliska Kenya oo ka warbixiyey khasaaraha weerarka baska Lamu

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerar bas oo Khamiista maanta ah ka dhacay ismaamulka Lamu, oo ku dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha booliska maamul goboleedka, Irungu Macharia, ayaa sheegay in saddex kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay wadada isku xirta degaanadda Lamu-Garsen.

Macharia ayaa sheegay in ciidamo loo diray meesha ay wax ka dhaceen isla markaana ay ku raadjoogaan maleeyshiyaadka.

Tiradda geerida ayuu cod dheer ku sheegay in ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo ay daran tahay xaaladooda.

"Waxaan xaqiijin karaa dhimashadda saddex kadib dabley looga shakisan yahay maleeyshiyaad ay weerareen bas. Saddex kale ayaa dhaawac culus soo gaarey. Macluumaad intaa ka badan waa kadib baaritaanka".

Illo wareedyo waxay sheegayan in xubnaha oo kasoo baxay keymaha u gacan haatiyeen baska, balse dawaralka oo ka shakiyey in ay noqdaan argagixiso ayaanan joogsan, taasoo keentay in ay rasaaseeyaan.

Baska oo ay leedahay shirkadda Mombasa Raha ayaa abaare halkii subaxnimo iyo bar kasoo baxay Mombasa, waxaana uu ku wajahnaa Lamu.

Wargeyska The Star, oo soo xigtay macaamiisha Baska, ayaa ku waramay in 44 rakaab ah ay saarnaayeen Baska. Rakaabka badbaaday waa laga soo daad-gureeyay goobta ay wax ka dhaceen.

Weerarkan ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay oo lagu eedeeyo Al-Shabaab oo sanadkan cusub ee 2020-ka ka dhaca Kenya, waxaana uu kusoo aadaya iyaddoo laga digayey falal noocaan ah oo dhici kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM