Booliska oo saddex qof u qabtay haweenay lagu haysto Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka Kenya ayaa shaaciyey in ay saddex ruux u xireen afduubka haweenay u dhalatay waddanka Talyaaniga.

Magacyadda shaqsiyaadka loo qabtay falkan ayaa kala ah; Ibrahim Adan Omar, Abdulla Gababa Wario iyo Moses Luwali Chembe.

Baareyaasha oo su'aallo waydiinaya raggan ayaa tuhunsan in ay door ku lahaayeen talaabadda lagu qafaashay Silvia Romano.

Maxkamadeyntooda oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa dhageysigooda waxaa loo muddeeyay 14, 15 illaa iyo 20 November ee sanadkan.

Silvia Romano oo ka shaqeysa arrimaha bini'aadanimadda ayaa bishii November ee sanadkan 2019 ayaa laga qafaashay ismaamulkaas.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay askar ilaalo u ahayd ayaa la sheegay in ay lasoo aadeen Soomaaliya, halkaas oo lagu haysto.

Inkasta oo ay sanad ku jirto gacan aan ammaan ahayn, qoyskeeda iyo asxaabteeda ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay xorriyadeeda dib u heli doonto.

Magaaladda Milan oo ay ku dhalatay ayaa waxaa la filayaa in uu ka dhaco banaanbax ay asxaabteeda ku dalbanayaan sii deysmadeeda.

Iyadda oo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo ku saabsan in madax furasho dalbatay Al-Shabaab, Kenya ayaa meesha ka saartay.

Saxaafadda ayaa sidoo kale ku warameysa in Romano lagu haysto degaano ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay sidoo kale bartamihii sanadkan afduubteen dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba.

Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu amray in ay baadigoobka xubnahaan door ka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM