Booqashada Abiy Axmed ee Mareykanka oo "kala qeybiyay" ONLF
MINNEAPOLIS - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo booqasho ku jooga wadanka Mareykanka ayaa halkaasoo ka wada kulamo uu la qaadanayo dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin Jaaliyaddaha Qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Habeenimadii Isniinta ayaa waxaa uu Abiy Axmed uu kulan kula qaatay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Jaaliyadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo ay kala hadlay waxyaabo badan.
Qodobadda ay isla soo qaadeen Abiy Axmed waxaa kamid ahaa colaada udhaxeysa Soomaalida iyo Oromadda, taasoo labadii bilood ee lasoo dhaafay soo if-baxday, islamarkaana dad badan ay ku dhinteen.
Kulanka uu Abiy Axmed la yeeshay Jaaliyadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa kamid ahaa masuuliyiin sarre oo ka tirsan Jabhadda ONLF, gaara ahaan Guddiga fulinta ee dalka Mareykanka.
Talaabadda uu qaaday Guddiga waxaa si xoogan u dhaleeceeyay qaar kamid ah xubno horey uga soo tirsanaa ONLF, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay dowlad deegaanka iyo Jabhadda dhexdeeda.
Cabdiwali Xuseen Gaas, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa, xilal kala duwan kasoo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku tilmaamay kulanka ay ka qaybgaleen xubnaha ONLF “qalad taariikhda geli doona”.
“Iyadoo aysan jirin wax heshiis ah, iyadoo aysan jirin xabad joojin, inkasta oo ay jirku isku soo dhawaansho, ma aysana ahayn inaan inaga ku hor-marno oo aan is-dhigano,” ayuu Cabdiwali Xuseen Gaas, oo wareysi siiyay VOA Soomaaliya.
Laakiin, Cabdinaasir Axmed Xirsi, oo kamid ah sarkiisha ugu sareysa ee Jabhadda ONLF kana mid ahaa xubnahii la kulmay Abiy Axmed ayaa difaacay shirkaas, isagoo tilmaamay inay tahay mid ka dhalatay isku soo dhawanaashooda.
“Qofka marka uu uu muujiyo waji wanaag, waxaa loola tagaa mid lamid, hadii uu kuula yimaado waji xun, sidaas ayaana loo sameeyaa, marka Abiy Axmed wuxuu noo muujiyay midaas,” ayuu Xirsi isana ku daray hadalkiisa.
Dowladda Abiy Axmed ayaa ka saartay Jabhadda OLNF liiska argagixisadda, taasoo ay soo dhaweeyeen, balse Cabdwali Xuseen Gaas ayaa sheegaya in taasi aysan waxba lahayn, islamarkaana uu markii horeyba lagu qaldanaa.
“Waa liis ay iyaga iska sameysteen. Ma ahan mid uu caalamka la qabo. Laakiin, waxaa meel ka dhac ah in iyadoo la joogo Mareykanka oo ah dalwayn aan ugu scabo tuno, kuwii Gumeystaha Ingiriiska na hoos-geeyay,” ayuu raaciyay.
Xirsi ayaa doodada Cabdiwali Xuseen Gaas kasoo qaaday waxba kama jiraan, isagoo tilmaamay inay diyaar uyihiin inay la fariistaan dowladda Itoobiya ayna kala hadlaan arrimo badan oo lagu xalinayo colaadaha jira.
Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu la wareegay xafiiska waday talaabooyinkii uu wax ka bedal ugu sameynayo siyaasadaha xir-xiranaa ee Itoobiya, wuxuuna soo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Eritrea, taasoo lagu amaanay.
Kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex-galay xubnaha ONLF iyo kuwa aragti ahaan taageersan ayaa waxaa loo arkaa mid saameyn karta Ururka maadaama la filayo inay dhawaan wadahadala la galaan dowladda Itoobiya oo dagaalka lagu soo afjarayo.
GAROWE ONLINE