Burundi oo xaqiijisay askar looga dilay Soomaaliya lana la'yahay kuwa kale
BUJUMBURA, Burundi – Ugu yaraan lix askari oo Burundi u dhalatay ayaa lagu dilay weerar ku qabsaday meel ku dhow caasimadda Soomaaliya, mas’uul u hadlay dowladda wadankaasi ayaa xaqiijiyey.
Askartan la beegsaday ayaa waxay ka tirsanaayeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loosoo gaabiyo AMISOM.
"Argagixisada Al-Shabaab ayaa degmada Balcad, oo 30 KM dhanka Waqooyi Bari uga aadan Muqdisho, waxay ku weerareen ciidamada Burundi ee ka tirsan nabad-ilaalinta Soomaaliya," ayuu yiri Floribert Biyereke.
Biyereke oo ah afhayeenka ciidamadda dalkan bariga Afrika ku yaala ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Lix kale waa ay ku dhaawacmeen. Laba kalena waa la la'yahay, waxaana dhaawacyo culus soo gaarey saddex kale".
Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa dusha saartay mas’uuliyada duulaankaasi jidgalka ah.
Weerarkaasi ayaa yimid maalmo kadib markii is-miidaamin lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir lagu khaarijiyey tobban ruux oo ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo, laguna dhaawacay duqa caasimada.
Al-Shabaab ayaa inta badan gobolada Soomaaliya weeraro isugu jira kuwa qaraxyo, kuwa toos ah iyo jidgal waxay ku beegsataa ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa ajnabiga ah.
GAROWE ONLINE