Cabasho ka dhalatay markii Itoobiya ay khariirada Afrika ka saartay Eritrea

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Duqa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa hoos u dhigay "qaladka khariiradda qaaradda Afrika" ee yaala xafiiskiisa kadib cabasho ka timid shacabka Eritrea.

Khariiradda oo su'aallo laga keenay isla markaana aad loogu wadaagay baraha bulshadda ayaa waxaa nan kasoo muuqan waddanka Eritrea.

Sidoo kale khariiradda ayaa waxay sameyneysaa sumad ah in dhulka dalka aan badda lahayn ee Itoobiya uu ku baahsan yahay illaa iyo Badda Cas.

Takele Uma ayaa Twitter-ka soo dhigay in qalad "ay daacad ka tahay" la sameeyay isla markaana u baahan yahay "xal degdeg ah".

Xafiiskiisa ayuu xaqiijiyey in lagu soo wargeliyey qaladaadka kale oo baaxad leh oo ku jira khariiradda wallow uusan sharaxaad buuxda ka bixin.

Eritrean Press, mareeg lala xiriiriyo Eritrea, ayaa codsaday saxitaan lagu sameeyay "xadgudubyadda" ku jira khariiradda.

Sawirka khariiradda ayaa waxaa la qaaday markii Mr Takele uu marti qaaday Muriel Bowser, duqa magaaladda Washington.

"Eritean Press waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Itoobiya jawaabta fiican oo ay ku saaraan khariirada kadib qoraalkeea," ayay raaciyeen.

Eritrea ayaa xorriyadeeda kasoo ceshatay Itoobiya sanadka markii uu ahaa 1993-dii kadib dagaal kharaar oo muddo 30-sano ah u dhaxeeyay labadda waddan, kaas oo boqolaal ay ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM