Cabdi Illay oo ka hadlay nolasha xabsiga iyo sida loola dhaqmey

Image

ADDIS ABABA - Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiyay nolasha xabsiga iyo sida ay ula dhaqmeen ciidamada Booliska ee soo xiray.

Cabdi Illay ayaa xorriyadda laga qaaday bishii Agoosto ee sanadkaan 2018, isaga oo ku eedaysan inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isaga oo dhowr jeer kasoo hor-muuqday maxkamad.

“Waxaan ku xiran nahay dalkeYGA…Waxaan dareemaynaa wanaag…Ma jiraan wax dhibaato ah…Waanu wanaagsan nahay,” ayuu yiri Cumar oo wareysi ku dhex-siiyay xabsiga warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Hadalka Cabdi Illay ayaa kusoo aadaya xili xubno ka tirsan qoyskiisa ay horey dhawaajiyeen in lagu jirdilo xabsiga, inkasta oo uusan haatan soo hadal-qaadin, mana aysan ka muuqan qaybaha sare ee jirkiisa.

Balse, qaar kale oo ka tirsan maxaabiista xabsiga kula jirta Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saluugay qaabka maxkamada loo horgeeyo eedaysanayaasha iyaga oo sheegaya in laga dib mariyo waqtigeeda.

Madaxwaynaha Maxkamadda sarre ee Itoobiya marmot Meaza Ashenafi oo booqatay xasbiga ay ku jiraan maxaabiistaan ayaa sheegtay inay wax ka qaban doonan cabashooyinka ay dhageystEEn.

Xabsiyadda waawayn ee Itoobiya ayaa waxaa ka jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeysay inay ku jiraan dad u xiran arrimo siyaasadeed, xili maamulka Abiy Axmed uu balanqaaday inuu la tacaali doono arrintaasi iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM