Cabsi ka dhalatay qof looga shakiyey Coronavirus oo baxsaday

Image

HARARE, Zimbabwe – Muwaadin u dhashay wadanka Thailand oo looga shakiyey Coronavirus ayaa ka baxsaday isbitaal ku yaala caasimadda Zimbabwe ee Harare, sidda ay qortay warbaahinta dowlada.

Shaqsiga fakaday oo magaciisa aan la shaacin ayaa waxaa qorshuhu ahaa in baaritaan caafimaad la marsiiyo kahor inta uusan baxsan.

Laamaha ammaanka dalkaas ayaa waxaa la faray in ay soo qabtaan ruuxaas, oo ilaa iyo haatan aan la ogayn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Dalkan dhaca koonfurta qaarada Afrika ayaanan wali laga helin xanuunkaas, wallow deriskooda Koonfur Afrika laga xaqiijiyey kiisas gaaraya todoba tan iyo 9-kii bishaan Maaj sanadkan 2020-ka.

Muwaadiniinta Zimbabwe oo baraha bulshada kaga falceliyey fakashada qofkaas ayaa waxay muujiyeen cabsi baaxad leh iyo walaac badan.

Dhacdadaan ayaa timid iyaddoo dowlada ay heegan gelisay Hay'addaha Caafimaadka isla markaana la xoojiyey ololaha ka hortaga.

Inta badan dalalka qaarada Afrika ee caabuqaan dilaaga ah laga xaqiijiyey waxaa soo gaarsiiyey dad ku yimid diyaarad, halkaasoo la sheegay in ay tahay qaabka kaliya ee cudurka uu sida ugu fudud ugu faafo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM