Cabsi ka jirta Kenya iyo ciidamada oo heegan sare la geliyay

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda kadib markii sirdoonka ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynaysa inay dalkaasi ka fuliso weerar inta lagu guda jiro Ramadan-ka.

Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka goobaha muhiimka ah, si looga hortago weeraro argagaxiso oo suurta-gal ah in Al-Shabaab ay ku qaado Kaniisadaha dalkaasi ku yaalla.

War qoraal ah oo uu soo saarey Afhayeenka booliska Charles Owino ayaa lagu xusay in Al-Shabaab ay leedahay taariikh lagu yaqaano oo ah inay kordhiso weeraradeeda marka la gaaro Ramadan-ka.

Bishii June, 2014, Al-Shabaab ayaa 150 qof ku dishay weeraro ay ka geysatay gudaha Kenya, gaar ahaan Lamu iyo degaanada kale eek u yaalla xeebta iyo meelaha ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wacad ku martay inay u aargudi doonto 150 qof oo Muslimiin ahaa, oo lagu dilay toogashadii ka dhacday labada Masjid ee ku yaalla dalka New Zealand.

Waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay xadka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka gobolka Waqooyi bari, oo ah meel u nugul weerarada Al-Shabaab.

Kenya ayaa la kulantay weeraro culus tan iyo markii ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Westgate Mall, Garissa University iyo kii ugu dambeeyay ee Hotel-ka Dusit D2 ee magaaladda Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM