Cabsi ka jirta Kenya iyo ciidamada oo heegan sare la geliyay

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda kadib markii sirdoonka ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynaysa inay dalkaasi ka fuliso weerar inta lagu guda jiro Ramadan-ka.

Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka goobaha muhiimka ah, si looga hortago weeraro argagaxiso oo suurta-gal ah in Al-Shabaab ay ku qaado Kaniisadaha dalkaasi ku yaalla.

War qoraal ah oo uu soo saarey Afhayeenka booliska Charles Owino ayaa lagu xusay in Al-Shabaab ay leedahay taariikh lagu yaqaano oo ah inay kordhiso weeraradeeda marka la gaaro Ramadan-ka.

Bishii June, 2014, Al-Shabaab ayaa 150 qof ku dishay weeraro ay ka geysatay gudaha Kenya, gaar ahaan Lamu iyo degaanada kale eek u yaalla xeebta iyo meelaha ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wacad ku martay inay u aargudi doonto 150 qof oo Muslimiin ahaa, oo lagu dilay toogashadii ka dhacday labada Masjid ee ku yaalla dalka New Zealand.

Waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay xadka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka gobolka Waqooyi bari, oo ah meel u nugul weerarada Al-Shabaab.

Kenya ayaa la kulantay weeraro culus tan iyo markii ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Westgate Mall, Garissa University iyo kii ugu dambeeyay ee Hotel-ka Dusit D2 ee magaaladda Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM