Cabsida laga qabo in Al-Shabaab beegsato diyaarad oo xoogeysatay

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Federaalka ah ee Duulista Hawada Mareykanka [FAA] ayaa todobaadkan diyaaradaha waddankaas kaga digay in ay adeegsadaan hawada Kenya, sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah.

Mareegga Ureport ayaa daaha ka rogay in digniinta ay la xiriirto cabsi laga qabo in ay diyaaraduhu bartilmaameed u noqdaan maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

War qoraal ah oo kasoo baxay FAA ayaa lagu xusay in xoogaga hubeysan ay casriyeeyeen hubkooda isla markaana ay ugu yaraan awood u leeyihiin in ay beegsadan diyaaradaha bartilmaameedka u noqon kara.

Wallow ay aqoonsatay dedaalada mas'uuliyiinta ammaanka, FAA ayaa tibaaxday in walaaca iyo cabsida laga qabo in kooxdu bartilmaameedsato diyaaradaha ay kordhiyeen weeraradii Manda Bay iyo Dusit.

Sidda ku cad bayaanka, digniinta ayaa la xiriirta nawaaxiga xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay joogitaan badan ku leeyihiin xubnaha Al-Shabaab.

"Garoomada diyaaradaha Jomo Kenyatta iyo Moi qeyb kama ahan goobaha loogu talagalay digniinta duulimaadka," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Khamiistii, safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa si lamid ah ka digtay weerar argagagixiso oo loo maleegayo huteel caan ah.

Inkastoo aanan lasoo bandhigin magaca huteelkaas, haddana waxaa lagu sheegay mid ay inta badan tagaan dalxiiseyaasha iyo ganacsatadda. Laamaha ammaanka ayaana la geliyey heegan aad u sareeyo si loo baajiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM