Cagjar oo "cod sir ah ka duubay Biixi una dusiyey" Farmaajo
JIGJIGA, Kililka Shanaad – Madaxweynaha Kililka Shanaad, Mustafa Muxumad Cagjar ayaa qaab qarsoodi ah wuxuu cod kaga duubay hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isaga oo la wadaagay Farmaajaha waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya, sida uu shaaca ka dhigay mas'uul hore oo xog ogaal ah.
Cabdiqaadir Sheekh Axmed [Bisle], madaxii hore ee habmaamuuska Madaxtooyadda dowlad degaanka Soomaalida ee hoostaga Itoobiya oo qarxiyey macluumaadkan, ayaan raacin caddeymo xoojinaya sheegashooyinkiisa.
Mr Bisle oo Cagjar ku sifeeyay "tuug saqajaan" iyo "jaajuus" ayaa tibaaxay in uu sidoo kale codkaas la wadaagay mas'uul sarre oo ka tirsan xisbiga uu aas-aasay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed kaasoo loo garan og-yahay PP (Prosperity Party – xisbiga Barwaaqa Sooranka) oo hadda majaraha u haya dalka Ethiopia.
"Mustafe Cod ayuu ka duubay Madaxweynaha Somaliland oo casuumaad noo fidiyay wuuxuna u diray Madaxa xarunta dhexe xisbiga PP iyo madaxweyne Farmaajo, Sababtana wuxu iigu sheegay in ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi xiriir la leedahay maamulka Jubaland State ee Axmed Madoobe sidaas awgeed ay muqadas tahay in la taageero xukuumadda Nabad iyo Nolol," ayuu Mr Bisle ku yiri muuqaal uu soo duubay oo lagu faafiyey baraha bulshadda.
Sida laga soo xigtay Bisle, Cagjar ayaa codkaas oo ku saabsanaa wada-sheekeysi dhexmaray Biixi iyo mid kamid ah odayaasha dhaqanka Kililka Shanaad waxaa in uu ku duubay amar kaga yimid madaxa xarunta dhexe ee xisbiga PP.
"Marka [Cagar] waa nin [jahwareer] ku dhex-jira. Soomaaliya ayuu lug kula jiraa, Kenya ayuu lug kula jiraa, Somaliland ayuu lug kula jiraa, waa nin dawaqay oo siyaasaddu ka baahdey. Waa nin kusoo koray jaajuusnimo. Wuxuu aaminsan yahay 'saaxiibkaaga maanta waa cadowgaaga berrito' waana maahmaah qiyaali ah. Cid kasta oo wanaag u sameysa waa u dabamarayaa," ayuu ku daray.
Xilli uu dowladda Cagjar ku sifeeyay "mid munaafaq ah," Bisle ayaa ka xusay in uu dhowaan soo bandhigi doono xogo kale oo ku saabsan "xiriirka Cagjar kala dhaxeeyo hogaamiyaha Eritrea iyo mu'aamarado liddi ku ah Jabuuti".
Shacabka Kililka Shanaad ayuu ku booriyey in ay "iska dulqaadaan" dowladda Cagjar. Taliska booliska ayuu ku waaniyey in aysan taageerin "xukun sharci darro ah". "Waxaan ka shaqeynaynaa sidaan isku dhaafin lahayn," ayuu tibaaxay.
Dhanka kale, xafiiska Cagajr iyo Villa Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka Bisle. Warsidaha Garowe Online oo isku dayay in uu la xiriiro dhinacyadan si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashooyinka Bisle.
Cagjar oo xukunka ku qabtay isbedel ka dhacay degaanka Soomaalida oo meesha looga saarey nidaamkii uu horkacayey Cabdi Illay ayaa horey uga shaqeyn jiray xarunta Xalane ee Muqdisho. Si lamid ah xukuumadda Abiy, madaxwaynaha Kililka Shanaad ayaa wuxuu si weyn ugu dhow yahay taliska Farmaajo.
GAROWE ONLINE