Cagjar oo sagootiyey ciidan ku biiraya gulufka ka dhan ah TPLF

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Somali Galbeed - Ismaamulka Soomaalida ee ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya ayaa wuxuu ciidamo ku biiriyey gulufka ka dhanka ah xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Axmed Cali.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu hogaamiyey sagootin loo sameeyay ciidamaddan taasoo ka dhacdey magaala madaxda Soomaali Galbeed ee Jigjiga.

"Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxa Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Barwaaqo, Maxammed Shaalle, dhammaan masuuliyiinta kaabineedka, cuqaasha iyo odayaal dhaqameedka Deegaanka Soomaalida ayaa maanta sagootiyey Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS oo ka qeyb-qaadan doona hawlgallada qaran ee lagaga hortagayo argagixisada TPLF," ayuu yiri telefishinka ku hadla afka dowlad degaanka.

TPLF ayaa dhowaan dib ula wareegtay magaalada caasimadda ah ee Maqale kadib bilooyin ay la dagaalamayeen ciidamadda federaalka oo kusoo duulay degaankooda bishii November ee sanadii lasoo dhaafay.

Talaabadda ismaamulka Soomaalida ayaa daba socda baaq ay xukuumadda Abiy Axmed u dirtey dowlad goboleedyadda oo ku saabsan in ay ciidamo ku taageeraan gulufka ka dhanka ah jabhadda TPLF ama TDF.

Dhanka kale, Ismaamulka Tigray ayaa soo saarey bayaan uu ku beeninayo eedeymaha sheegaya in caruurta askar ah ay ka mid yihiin ciidamada TDF ee dagaalka kula jira ciidanka difaaca Itoobiya iyo dhigooda Eritrea ee ku sugan gobolkan ay colaadda ka oogan tahay muddo ku dhow hal sano.

Dhawaqa TPLF ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ee Itoobiya ay dhowaan eedeyn arrintaas la xiriirta u jeedisay jabhadda isla markaana ay faafisay sawirro muujinaya askar ka barbar dagaalaemeysa ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM