Cawad oo Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya, heshiis-na la galay [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Keny Monica Juma ayaa Nairobi kula kulantay dhigiisa dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas'uuliyiin kale oo qeyb ka ah wafdigiisa.

Munica Juma ayaa sheegtay in ay kala hadashay Cawad arrimaha taagan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyo walaaca ka dhashay Shirkii arrimaha shidaalka lagu qabtey London 7-dii February.

Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale loog hadlay soo celinta safiiradda labad dal u kal fadhiyay Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasoo ay ukala yeerteen markii uu xiriirkooda mugdi soo dhex-galay.

Safiiradda ayaa la filayaa in mar dhaw ay shaqooyinkoodii dib ugu laabteen, maadama la xaliyay khilaafkii diplomaasiysadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo salka ku haya muranka dhinaca xuduuda badda.

Horaantii bishii lasoo dhaafey Madaxweyne Farmaajo oo uu la socdo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka degay Nairobi, waxaana uu heshiis lagu dhameeyay khilaafkii jiray la galay Uhuru Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa ka carootay Shirkii London ee lagu soo bandhigay xogta shidaalka ku jira xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo ku doodey in lagu xad-gudbay oo sahan lagu sameeyay badeeda.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa dacwad la xiriirta muranka xuduuda badda uga furan tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda [ICJ] ee Hague taasoo la filayo in dhawaan ay kiiskan go'aan ka gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM