Ciidamada Difaaca Kenya oo bartilmaameedsanaya Masaajida

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab iyo howlaha xagjireynta, taliska ciidamada difaaca Kenya ayaa wuxuu ku qasbanaadey inuu wax ka bedelo istaraatiijiyada la dagaalanka argagixisada.

Qorshaha cusub oo lagu beegsanayo goobo bartilmaameed ah ayaa waxaa kamid ah Masaajida iyo Madrasooyinka Islaamiga ah.

Iyagoo kaashanaya Booliska u tababaran la dagaalanka argagixisadda, ciidamada ayaa ku duulaya goobahaas si ay uga soo qabtaan "dambiileyaasha".

Taliska Ciidamada Kenya ayaa sheegay in xeeladan cusub ay ugu talagaleen in ay qaab feker ah ula diriraan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Baraha ay calaamadeysteen waxay tilmaameen in ay ku tuhmayaa in dhalinyaradda loogu qoro maleeyshiyaadkaas.

Imaamo Masaajid oo si lamid ah qeyb ka ah ciidamada ayaa barnaamijkaan ka fulinaya waqooyi bari si lamid ah goobaha la tuhmayo.

Talaabadii ugu horeysay waxaa lagu xiray Madrsada Husna, wallow aan fahfaahin laga bixin sababta ka dambeysa iyo natiijada baaritaanka.

Tan iyo bilowgii 2020, Al-Shabaab ayaa 20 ruux ku dishay Kenya kadib weeraro jidgal ah oo ay ka fulisay gobolada ku dhow xadka Soomaaliya. Weerarada waxay dhacayaan tan iyo markii ay ciidankeeda ku biireen AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM