Ciidamada Militeriga Itoobiya oo Gudaha u Galey Dire Dawa, Cabsi Ka Jirta Jigjiga
DIRE-DAWA-Magaalada Dire Dawa oo maalintii shaley ka dhaceen rabshado ay isaga horyimadeen qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada ayaa wararka ugu dambeeyey ee laga helayo waxay sheegayaan in ciidamo ku hubeysan Taangiyo Suuqyada la keenay.
Weeraro loo gaystey xaafadaha Soomaalida ee ku yaal magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya "Dire Dawa" ayaa waxaa lagu gubey guryo ay ku dhinteen dadkii ku jirey halkasoo ciidamada Booliska iyo dabdamiska u gurmadeen.
Magaalada Dire Dawa oo gudaheeda lagaliyey Ciidamada Milateriga fiidnimadii xaley kuwasoo kasoo baxay xeryo ay ku leehaayeen daafaha magaalada ayaa wararka waxay sheegayaan iney xaafado ay ku dhuumanayeen kasoo saareen dad Soomaali ah oo khasaare loo geystay.
Dhinaca kale waxaa guryahooda caawa lagaga baxay dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay rabshadihii maanta dhacay ka dambeeyeen kuwasoo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada.
Xaalada magaalada JigJiga
Dhinaca dadka dagan magaalada Jigjiga ayaa waxaa soo wajahdey cabsi kadib markii ay banaanka u soo baxeen warar sheegaya in Madaxda Ismaamulka Soomaalidu diideen is casilaad hogaamiyahooda loo soo gudbiyey. Guuxa Diyaarado ayaa la maqlayaa,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy Ahmed aysan ku qancin go'aamada ay lasoo laabteen wafidigii loo diray Jigjiga.
Taasna ay keentay dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Baabili oo ay maanta yimaadeen ciidamo fara badan.
Mucaarad Abdi Illey waxay sheegeen in uu berri is casili doono, laakiin xubnaha aadka ugu dhaw Cabdi Mohamuud Cumar ayaa beeniyey xaqiiqada warkan
Warkaan warsidaha GO waxaana xogta ku kordhiyey Wariye cabdulqaadir Gaylan