Ciidanka Itoobiya oo guulo ka sheegtay howlgalka gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda federaalka Itoobiya ayaa Axada maanta ah waxay sheegteen in ay la wareegeen magaaladda Idaga Hamus kuna sii jeedaan caasimada gobolka Tigray ee Mekele iyagoo ka imaanaya Adigrat.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa warisay "Mekele waa gunaanudka howlgalka lagu fulinayo sharciga ee ka dhanka ah jeegaanka TPLF".

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Sabtidii shalay ahayd waxay warisay in ay xoogaga TPLF ka qabsatay magaalooyinka Shire, Axum, Adwa iyo Adigrat.

Maadamaa khadka isgaarsiinta uu maqan yahay, ma jiraan illo wareeydo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka ciidamadda Itoobiya.

Xoogaga TPLF ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka wallow ay dhowr jeer horey uga dhawaajiyeen in aysan marnaba jiida dagaalka ka bixi doonin.

Colaadda ka oogan waqoyga Itoobiya ayaa sii galeysa todobaadkii saddexaad. Boqolaal isugu jira askar iyo shacab waxaa la xaqiijiyey in ay dhinteen. Kumanaan kale waxaa lasoo wariyey in ay u barakaceen waddanka Suudaan.

Baaqyadda xabad-joojinta iyo bilaabiladda wadahalo ee ka imaanaya Beesha Caalamka iyo ururada caalamiga ah waa kuwa isa soo taraya, hasa yeeshee, dhinacyadda dagaalamaya wali dheg-jalaq uma siinin qaylo-dhaantaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM