Ciidanka Itoobiya oo guulo ka sheegtay howlgalka gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda federaalka Itoobiya ayaa Axada maanta ah waxay sheegteen in ay la wareegeen magaaladda Idaga Hamus kuna sii jeedaan caasimada gobolka Tigray ee Mekele iyagoo ka imaanaya Adigrat.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa warisay "Mekele waa gunaanudka howlgalka lagu fulinayo sharciga ee ka dhanka ah jeegaanka TPLF".

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Sabtidii shalay ahayd waxay warisay in ay xoogaga TPLF ka qabsatay magaalooyinka Shire, Axum, Adwa iyo Adigrat.

Maadamaa khadka isgaarsiinta uu maqan yahay, ma jiraan illo wareeydo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka ciidamadda Itoobiya.

Xoogaga TPLF ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka wallow ay dhowr jeer horey uga dhawaajiyeen in aysan marnaba jiida dagaalka ka bixi doonin.

Colaadda ka oogan waqoyga Itoobiya ayaa sii galeysa todobaadkii saddexaad. Boqolaal isugu jira askar iyo shacab waxaa la xaqiijiyey in ay dhinteen. Kumanaan kale waxaa lasoo wariyey in ay u barakaceen waddanka Suudaan.

Baaqyadda xabad-joojinta iyo bilaabiladda wadahalo ee ka imaanaya Beesha Caalamka iyo ururada caalamiga ah waa kuwa isa soo taraya, hasa yeeshee, dhinacyadda dagaalamaya wali dheg-jalaq uma siinin qaylo-dhaantaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM