Ciidamadda Nigeria oo duqeyn ku dilay 85 qof shacab ah

Image
Ciidamada cirka Nigeria ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii Axadii.

ABUJA, Nigeria - Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga dalkaas oo lagu dilay 85 qof shacab ah.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay tuulada Tudun Biri oo ku taal waqooyiga gobolka Kaduna Axadii lasoo dhaafay xili ay socotay dabaaldaga ciida muslimiinta.

Tobaneeyo qof oo reer miyi ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

Xafiiska Madaxweyne Tinubu ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay dhacdadaas, taasoo uu ku tilmaamay "mid aad looga xumaado, dhib iyo xanuun badan."

Ciidamada cirka Nigeria ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii Axadii.

Ciidamada Nigeria ayaa u adeegsada diyaaradaha drones-ka dagaalka ay kula jiraan burcada kuwaas oo olole fallaago ah ka waday waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee dalkaasi muddo dhowr iyo toban sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM