Ciidamo nabad-ilaaliyeyaal ah oo ku nafwaayey shil diyaaradeed

Image
Ra'iisul wasaaraha waddanka Pakistan, Imran Khan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida askartan.

NAIROBI, Kenya - Siddeed ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay - lix Pakistani ah, hal Ruush iyo mid reer Serbia ah - ayaa dhintay Talaadadii kadib markii diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen ku burburtay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo, sida Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Pakistan ay ka shaaca ka dhigeen.

"Iyadoo hawl sahan ah laga sameynayey Kongo, 1 Helicopter ah oo nooca PUMA Helicopter ah ayaa burburtay. Ilaa hadda lama xaqiijin karo sababta dhabta ah ee shilka keentay," ayuu yiri garabka warbaahinta ee militariga Pakistan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay garabka soo saareen ayaa waxa uu intaa ku dartay in lix ka mid ah ciidamada Pakistan ay ku jiraan dadka la dilay wallow aysan shaacin magacyadooda.

Afhayeen u hadlay madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay shilkan diyaaradeed, waxaana uu u sheegay dalalka ay u kala dhasheen 8-da qof ee dhintay.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa muujiyay dareenkiisa naxdinta leh iyo murugada, sida uu sheegay xafiiskiisa, isaga oo amaanay dadaalka nabadeed ee caalamiga ah ee ay wadaan ciidamada dalka.

Maamulka militariga Congo ee waqooyiga Kivu ayaa sheegay in fallaagada M23 ay "soo rideen" diyaaradda. Balse kooxda ayaa beenisay arrintaas, taa beddelkeedana waxay ku andacoodeen in militariga Congo ay mas’uul ka ahaayeen burburka diyaaradda.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xasilinta DR Congo (MONUSCO) ayaa goor sii horeysay ku sheegay bartiisa Twitter-ka in ay waayeen xiriirkii ay la lahaayeen mid ka mid ah diyaaradahooda helicopter-ka oo howlo sahamin ah ku marayay degaanka Rutshuru ee gobolka Waqooyiga Kivu halkaas oo ciidamada Congo ay kula dagaalameen fallaagada M23.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM